Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, si uu u kormeero howlaha diyaar-garowga doorashooyinka qof iyo codka.
Booqashada Guddoomiyaha ayaa ku soo beegmeysa xilli Guddigu uu dardargelinayo hirgelinta howlaha doorashooyinka ee deegaannada Galmudug. Isla maanta, Guddiga ayaa sidoo kale dib u furay bixinta kaararka codbixiyeyaasha doorashooyinka qof iyo codka ee degmada Gaalkacyo, si loo sii ambaqaado diyaarinta doorashada.
Waxaa la filayaa in Guddoomiyaha uu kulamo la yeesho mas’uuliyiinta Galmudug iyo saraakiisha Guddiga Doorashooyinka, isagoo kormeer ku sameyn doona xarumaha iyo habsami u socodka howlaha diiwaangelinta iyo bixinta kaararka codbixiyeyaasha.


From the comments