Waxaa la filayaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka ay berri yeeshaan kulan muhiim ah oo diiradda lagu saarayo hannaanka doorashooyinka dalka, iyadoo beesha caalamka ay si dhow ula socon doonto natiijada wada-hadallada.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in labada dhinac ay isku raacsan yihiin in Soomaaliya ay u gudubto doorasho toos ah oo ay shacabka si toos ah codkooda ugu doortaan hoggaankooda.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa weli taagan khilaaf la xiriira qaabka doorashada loo hirgelinayo.
Qodobka ugu weyn ee la isku hayo ayaa ah in doorashada lagu galo nidaamka xisbiyada siyaasadeed ama nidaam qofeysan oo musharraxiintu si madax-bannaan ugu tartamayaan.
Sidoo kale, muran ayaa ka taagan qaabka loo dhisayo Guddiga Doorashooyinka.
Qaar ka mid ah mucaaradka ayaa soo jeediyay in la sameeyo laba guddi oo kala ah Guddi Doorasho oo heer Federaal ah iyo Guddi Doorasho oo heer dowlad-goboleed, halka xubno kale oo mucaaradka ka tirsan ay qabaan in hal Guddi Doorasho oo qaran uu ku filan yahay maamulka iyo hirgelinta doorashada.
Kulankan la filayo inuu qabsoomo berri ayaa loo arkaa mid muhiim u ah mustaqbalka geeddi-socodka doorashooyinka Soomaaliya, waxaana indhaha lagu hayaa in dhinacyadu ay gaaraan is-afgarad horseedi kara hirgelinta doorasho loo dhan yahay.
From the comments