Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka (NIEBC) ayaa maanta si rasmi ah u soo bandhigay liiska 35 urur siyaasadeed ee loo oggolaaday inay ka qayb galaan doorashooyinka isku-sidkan ee Golayaasha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka Hirshabeelle.
Ururradan ayaa buuxiyey shuruudihii diiwaangelinta iyo ka qaybgalka doorashada, iyagoo ku tartami doona hannaan dimuqraadi ah oo lagu dooranayo goleyaasha deegaanka iyo Golaha Wakiillada Hirshabeelle.
Soo saarista liiskan ayaa ka dhigan tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo nidaamka xisbiyada badan, kor u qaadista ka qaybgalka shacabka, iyo hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah oo ka qabsooma Hirshabeelle.


From the comments