Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa si rasmi ah u shaaciyay in dib-u-dhac kooban uu ku yimid taariikhdii loo belensanaa qabashada doorashada isku-sidkan ee Golaha Deegaanka iyo Wakiillada ee Dowlada-Goboleedka Galmudug.
Sida ku xusan war-saxaafadeed maanta ka soo baxay guddiga oo ka soo baxay magaalada Dhuusamareeb, doorashada oo qorshaysnayd inay dhacdo 25-ka Luulyo 2026, ayaa waxaa loo guuriyay oo ay si rasmi ah u dhici doontaa 30-ka Luulyo 2026.
Sababaha Dhaliyay Dib-u-dhaca
Guddiga Doorashooyinka ayaa tilmaamay in go’aankan dib-u-dhaca ah uu ka dhashay markii ay tixgeliyeen codsi iyo soojeedin toos ah oo uga timid ururrada siyaasadda ee u tartamaya doorashada, kuwaas oo codsaday waqti dheeri ah si ay si buuxda ugu diyaar-garoobaan garoonka doorashada.
GMDQS wuxuu adkeeyay in ururrada siyaasaddu ay yihiin tiirka ugu muhiimsan ee laf-dhabarta u ah hirgelinta doorasho loo dhan yahay oo hufan, sidaas darteedna ay lagama maarmaan noqotay in fursad ku dhiirrigelinaysa diyaar-garowga si buuxda siiyo.
Guddiga ayaa dhammaan ururrada siyaasadda iyo daneeyayaasha doorashada ka codsaday inay ka faa’iideystaan muddada kooban ee ka dhiman taariikhda cusub, iyagoo ballanqaaday inay fududeyn doonaan wax kasta oo khuseeya habsami-u-socodka hannaanka codbixinta si ay doorashadu ugu dhacdo hab dhowrsan.
From the comments