Muqdisho, 21 Luulyo 2026 – Guddiga Imtixaanka Qareennada ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay natiijada kama dambaysta ah ee Imtixaanka Qareennimada 2026, kaas oo la qabtay 2-dii Luulyo.
Sida natiijada lagu sheegay, 276 murashax ayaa imtixaanka u fariistay, waxaana ku guuleystay 237 murashax, halka 39 kale ay ku hareen.
Heerka guud ee gudbidda ayaa gaaray 85.9%, halka heerka haristuna uu noqday 14.1%.
Guddigu wuxuu sheegay in guud ahaan 302 qof ay is-diiwaangeliyeen, balse 26 murashax aysan imtixaanka gelin.
Marka loo eego jinsiga, 174 rag ah ayaa imtixaanka galay, waxaana gudbay 149 oo u dhiganta 85.6%, halka 25 ay ku hareen.
Dhanka dumarka, 102 murashax ayaa imtixaanka u fariistay, waxaana gudbay 88 oo u dhiganta 86.3%, halka 14 ay ku hareen.
Natiijadu waxay muujisay in dumarku ay wax yar kaga sarreeyeen ragga heerka gudbidda.
Guddiga Imtixaanka Qareennada ayaa xusay in dhammaan marxaladihii imtixaanka, laga bilaabo diyaarinta ilaa ansixinta natiijada, lagu saleeyay hufnaan, caddaalad, dhexdhexaadnimo iyo isla-xisaabtan si loo xaqiijiyo kalsoonida nidaamka imtixaanka.
Sidoo kale, guddigu wuxuu hambalyo u diray 237-ka murashax ee ku guuleystay imtixaanka, isagoo ku boorriyay inay aqoontooda iyo xirfaddooda ugu adeegaan bulshada si waafaqsan sharciga iyo anshaxa mihnadda qareennimada.
Dhanka kale, 39-ka murashax ee aan gudbin ayaa lagu dhiirrigeliyay inay sii wataan dadaalkooda aqooneed oo ay isu diyaariyaan imtixaannada xiga.
From the comments