Goobjoog

War

Turkiga oo Sii Wada Ilaalinta Markabka Qodista Shidaalka ee Soomaaliya

Muqdisho, 21 Luulyo 2026 – Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa sheegtay in Ciidanka Badda Turkiga ay sii wadaan howlaha ilaalinta iyo galbinta markabka qodista shidaalka ee Çağrı Bey iyo maraakiibta taageera…

Turkiga oo Sii Wada Ilaalinta Markabka Qodista Shidaalka ee Soomaaliya

Muqdisho, 21 Luulyo 2026 – Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa sheegtay in Ciidanka Badda Turkiga ay sii wadaan howlaha ilaalinta iyo galbinta markabka qodista shidaalka ee Çağrı Bey iyo maraakiibta taageera ee Korkut, Altan iyo Sancar, kuwaas oo ka howlgala xeebaha Soomaaliya.

Sida wasaaraddu ku sheegtay qoraal ay baahisay, maraakiibta dagaalka ee TCG Göksu, TCG Gelibolu iyo TCG Bartın, oo ka tirsan Howlgalka Ciidanka Badda Turkiga ee Soomaaliya, ayaa mas’uul ka ah sugidda amniga iyo ilaalinta maraakiibta ku hawlan sahaminta khayraadka shidaalka.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah iskaashiga dhinaca difaaca iyo tamarta ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo lagu xaqiijinayo amniga howlaha sahaminta shidaalka ee ka socda badda Soomaaliya.

Turkiga ayaa sii xoojinaya taageeradiisa dhinacyada amniga iyo tamarta, iyadoo ciidamada baddiisu ay door muhiim ah ka qaadanayaan ilaalinta howlaha shidaal baarista ee ka socda biyaha Soomaaliya.

Get Goobjoog updates

From the comments