Dab xooggan ayaa ka kacay suuqa weyn ee Bakaaraha, gaar ahaan qeybta Cabdalle Shideeye, iyadoo dabkaasi uu si degdeg ah ugu fiday xarumo iyo qeybo kala duwan oo ka tirsan suuqa.
Muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya holac xooggan iyo qiiq cirka isku shareeray, iyadoo dad badan oo ku sugnaa halkaas ay ku xoonsanaayeen goobta, isla markaana isku dayayeen inay xakameeyaan dabka ka hor inta uusan sii fidin.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dabku saameeyay meelo ganacsi oo dhowr ah, hase yeeshee ilaa hadda lama shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.


From the comments