Goobjoog

Dawladda Masar oo markale si adag u cambaareysay xadgudubka maamulka Israaiil uu ku hayo madaxbannaanida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Dr. Badr Abdel Aaty, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, intii uu socday Madasha Diblomaasiyadda Antalya ee…

Dawladda Masar oo markale si adag u cambaareysay xadgudubka maamulka Israaiil uu ku hayo madaxbannaanida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Dr. Badr Abdel Aaty, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, intii uu socday Madasha Diblomaasiyadda Antalya ee ka dhacday Turkiga.

Kulanka ayaa lagu xoojiyay xiriirka qotada dheer ee taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, iyadoo wasiirka Masar uu si cad u muujiyay mowqif adag oo dalkiisu ka taagan yahay arrimaha Soomaaliya.

Masar ayaa si kulul u cambaareysay tallaabada ay Israa’iil ku aqoonsatay waxa loogu yeero Somaliland iyo magacaabista wakiil diblomaasiyadeed, iyadoo ku tilmaantay arrintaas mid si cad u jebinaysa sharciga caalamiga ah, Axdiga Qaramada Midoobay, iyo qawaaniinta Midowga Afrika.

Wasiirka ayaa adkeeyay in Masar ay si buuxda u taageersan tahay midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana ay diidan tahay tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimaysa qaranimada dalka.

Sidoo kale, Masar waxay ballanqaadday inay sii xoojin doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, milatariga, siyaasadda iyo gargaarka bani’aadamnimo, si loo xaqiijiyo xasilloonida dalka iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay Masar doorka muuqda ee ay ka qaadato taageerada Soomaaliya, isagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay dowladdiisa xoojinta iskaashiga labada dal.

Ugu dambeyn, labada dhinac ayaa isla gartay in la sii xoojiyo iskaashiga ganacsiga, amniga iyo horumarinta, si loo gaaro danaha labada shacab loona xoojiyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Ka Hel Goobjoog Wixii Cusub

From the comments