Goobjoog

Ukraine oo si buuxda u taageertay ilaalinta midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya

Dowladda Ukraine ayaa hambalyo ku aaddan xuska maalinta xorriyadda ee 1-da Luulyo u soo dirtay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed, iyadoo u rajeysay nabad, horumar iyo barwaaqo.

Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ukraine ayaa lagu sheegay in Kyiv ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada sugnaanta cunnada iyo dadaallada lagu xoojinayo dowlad-dhiska.

Ukraine ayaa sidoo kale muujisay inay qadarinayso mowqifka ay Soomaaliya ka taagan tahay ilaalinta sharciga caalamiga ah, madaxbannaanida iyo karaamada dowladaha, iyadoo xustay in labada dal ay wadaagaan muhiimadda ay siinayaan qiyamkaas.

Fariintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo  Soomaaliya oo u dabaal-degtay 66-guurada ka soo wareegtay maalintii ay xorriyadda qaadatay iyo midowgii gobolladii waqooyi iyo koonfur ee dhidibada u taagay Jamhuuriyadda Soomaaliya, ay haatan wajahayso faragelin iyo duullaan ka dhan ah midnimada dalka.

Ka Hel Goobjoog Wixii Cusub

From the comments