Goobjoog

Dowladda Soomaaliya oo Xaqiijisay in Mareykanku Weli Taageersan Yahay Soomaaliya Midaysan

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa shaaciyay in dowladda Soomaaliya ay dowladda Mareykanka si joogto ah ugala hadasho arrimaha ku saabsan…

Dowladda Soomaaliya oo Xaqiijisay in Mareykanku Weli Taageersan Yahay Soomaaliya Midaysan

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa shaaciyay in dowladda Soomaaliya ay dowladda Mareykanka si joogto ah ugala hadasho arrimaha ku saabsan madax-bannaanida dhuleed, amniga iyo xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal.

Wareysi uu siiyay wargeyska Asharq Al-Awsat, ayuu Cali Balcad ku sheegay in Muqdisho ay si dhab ah u wajahayso doodaha soo baxaya ee la xiriira suuragalnimada in Washington ay wax ka beddesho siyaasaddeeda ku aaddan Somaliland.

Wuxuu tilmaamay in inkastoo ay jiraan xubno ka tirsan Kongareeska Mareykanka oo ku baaqaya isbeddel siyaasadeed, haddana loo baahan yahay in si cad loo kala saaro ololaha siyaasadeed, wararka saxaafadda iyo go’aannada rasmiga ah ee maamulka Mareykanka.

Wasiiru-dowlaha ayaa hoosta ka xariiqay in Mareykanku uu weli aqoonsan yahay madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ay Somaliland qayb ka tahay.

Waxa uu intaas ku daray in maamulka Madaxweyne Donald Trump uu taageersan yahay Soomaaliya midaysan, maadaama dalku uu Mareykanka u leeyahay muhiimad istiraatiiji ah oo la xiriirta la-dagaallanka argagixisada, amniga marin-biyoodyada iyo xasiloonida guud ee Geeska Afrika.

Ugu dambeyntii, Cali Balcad ayaa ku dooday in danaha fog ee Mareykanka ay ku jirto Soomaaliya xasiloon oo midaysan, halkii la dhiirrigelin lahaa kala-qaybsanaan cusub oo saameysa gobolka Geeska Afrika, xilli gobolku uu horeyba u wajahayo xaalado nugul.

Hadalkan ayaa imanaya xilli doodaha ku saabsan mustaqbalka xiriirka Washington iyo maamulka Somaliland ay si weyn ugu soo noqnoqdeen fagaarayaasha siyaasadda ee dalka Mareykanka.

Ka Hel Goobjoog Wixii Cusub

From the comments