Goobjoog

12 Dal oo Islaami ah oo si adag uga horyimid tallaabo ay qaaday Israa’iil oo ku saabsan Somaliland

Warsaxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen 12 dal oo Islaami ah oo ay ka mid yihiin Algeria, Turkey, Saudi Arabia, iyo Egypt ayaa si kulul u cambaareeyay go’aan ay…

12 Dal oo Islaami ah oo si adag uga horyimid tallaabo ay qaaday Israa’iil oo ku saabsan Somaliland

Warsaxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen 12 dal oo Islaami ah oo ay ka mid yihiin Algeria, Turkey, Saudi Arabia, iyo Egypt ayaa si kulul u cambaareeyay go’aan ay Israel ku magacaawday safiir aan deggeneyn oo loo xil saaray Somaliland.

Dalalkan ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Somalia, iyagoo adkeeyay in aysan aqbali doonin wax kasta oo wiiqaya jiritaanka qaranka Soomaaliya.

Bayaan-ka ayaa sidoo kale lagu xusay in magacaabista Mikhail Lotem oo hadda ah safiir dhaqaale oo u qaabilsan qaaradda Afrika loo arko arrin sii hurin karta xiisadaha gobolka, isla markaana dhaawici karta xasilloonida Geeska Afrika.

Horey ayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israa’iil u shaacisay in Lotem loo magacaabay safiir aan deggeneyn oo la macaamilaya Somaliland, taasoo dhalisay falcelin xooggan oo ka timid dalal badan oo Islaami ah.

Dalalka bayaanka soo saaray ayaa ugu dambeyn ugu baaqay beesha caalamka in ay ixtiraamaan madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana laga fogaado tallaabo kasta oo abuuri karta kala qeybsanaan siyaasadeed iyo mid amni.

Ka Hel Goobjoog Wixii Cusub

From the comments