Goobjoog

Madaxweynaha 10-aad

Madaxweyne Xasan Sheekh” 66 sano ka dib waxaan markii ugu horreysay dalka ka samaynay dib u habayn siyaasadeed”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Soomaaliya ay muddo 66 sano ah kaddib markii ugu horreysay hirgelisay dib u habayn siyaasadeed oo salka ku haysa nidaamka doorashada qof iyo cod.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda caleemo-saarka Hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, ee ka socata magaalada Baydhabo, ayaa sheegay in hirgelinta doorashada tooska ahi ay tahay isbeddel taariikhi ah oo dalka loo horseeday.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Doorashada qofka iyo codka ahi ay tahay  tallaabo weyn oo lagu dhisayo dowladnimo ku salaysan rabitaanka shacabka.

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale xusay in dalka aan lagu sii wadi karin siyaasadda ku dhisan dano shaqsiyeed, isagoo sheegay in loo baahan yahay nidaam siyaasadeed oo hay’adeysan, halkaas oo go’aannada muhiimka ah aysan ku xirnaan doonin rabitaanka hal qof.

Hadalkan ayaa imanaya xilli Dowladda Federaalka ay waddo dadaallo lagu hirgelinayo nidaamka doorashada qof iyo cod, arrin ay taageerayaashu ku tilmaamayaan horumar dhanka dimuqraadiyadda ah, halka dhinacyo mucaarad ah ay weli qabaan walaac ku saabsan habka loo wajahayo isbeddellada siyaasadeed ee dalka.

Get Goobjoog updates

From the comments