Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tababar u soo xiray Saraakiil iyo Saraakiil-xigeenno si guul leh u dhammeystay sanad waxbarashadooda ciidan ee Dugsiga Tababarka ee TURKSOM.
Madaxweynaha oo daawaday dhoolatus ciidan oo ay wadajir u sameeyeen Saraakiisha, Saraakiil-xigeenada iyo colalkii ay hoggaamin lahaayeen ayaa ku bogaadiyey dadaalka, adkaysiga iyo hufnaanta ay muujiyeen muddadii uu tababarkoodu socday, isaga oo xusay in ay yihiin hoggaamiyeyaasha berri ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, lagana sugayo inay si daacadnimo, aqoon iyo waddaniyad ku dheehan tahay ugu adeegaan qarankooda.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso dib u dhiska, casriyeynta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si ay u yeeshaan awood iyo xirfad ay ku xaqiijiyaan amniga dalka, difaaca qarannimada iyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta.


From the comments