Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaaray magaalada Doha ee dalka Qatar, si uu uga qayb galo tacsida Amiirkii hore ee Qatar, Sheekh Xamad Bin Khaliifa Aala Thaani, oo dowladda Qatar ku tilmaantay tiir weyn oo qaranka ka baxay.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Xamad International Airport ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaadiidka Qatar, Sheekh Maxamed Bin Cabdullaahi Bin Maxamed Aala Thaani, iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qatar, Maxamed Axmed Sheekh Cali.
Socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qeyb ka ah booqashooyinka ay madaxda caalamka ku tagayaan Doha si ay tacsi ugu diraan dowladda iyo shacabka Qatar geerida Amiirkii hore, oo door weyn ku lahaa horumarka iyo diblomaasiyadda dalkaas.


From the comments