Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyay deegaanno dhowr ah oo hoostaga magaalada Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalkan oo ahaa mid ballaran ayaa si gaar ah uga dhacay tuulooyinka kala ah: Faytaan, Sadex, Aqab, Wabi Goof, Buula Doon, Baroodooy, Xaliima iyo Yaalo, kuwaas oo dhammaantood hoos yimaada degmada Sablaale.
Taliyaha Ururka 61-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Dhamme Jamaal Cilmi Aadan oo hoggaaminayay howlgalka, ayaa warbaahinta u sheegay in ujeedka howlgalkan uu ahaa mid lagu burburinayay fariisimo iyo goobo ay ku dhuumaaleysan jireen kooxda Al-Shabaab.


From the comments