Ciidanka Sida Gaarka ah u Tababaran ee Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal qorshaysan ka fuliyey deegaanka Hantiwadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Sida wararka laga helayo hawlgalka sheegayaan, intii uu socday waxaa lagu dilay 9 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku jireen dagaalyahanno iyo horjoogihii kooxda hoggaaminayey ee ku sugnaa deegaanka.
Taliska Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa Warbaahinta u xaqiijiyey in hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii socon doonaan, iyadoo ciidamada ay sheegeen inay awood u leeyihiin inay gaaraan goob kasta oo ay isku dayaan inay ku suganyihiin xubnaha kooxda.


From the comments