Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay baaq nabadeed oo ku aaddan xiisadaha ka taagan deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo ka digtay falalka hurinaya colaadaha iyo kuwa khalkhal gelinaya amniga.
War-saxaafadeed ay wasaaraddu soo saartay ayay ku sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladaha la xiriira hurinta colaadaha, kicinta bulshada iyo abaabulka falal dhaawici kara wadajirka bulshada iyo nabadda.
Wasaaraddu waxay muujisay walaac xooggan oo ku aaddan dhaq-dhaqaaqyada lagu kala fogeynayo bulshada deegaanka oo muddo dheer wada deggeneyd, isla markaana wadaagtay xiriir bulsho, dhaqan iyo dano guud. Waxay xustay in fal kasta oo horseeda nacayb ama isku dhac uu halis ku yahay geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta iyo xasilloonida dalka.
Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa digniin u dirtay shakhsiyaadka iyo kooxaha ku lug leh faafinta hadallada naceybka, wararka marin-habaabinta ah iyo abaabulka colaadaha, iyadoo ka digtay in kooxaha argagixisada iyo qaswadeyaasha ay ka faa’iideysan karaan xaaladaha nugul si ay u fuliyaan ajandayaal lid ku ah amniga qaranka.
Wasaaraddu waxay farriin u dirtay hay’adaha amniga iyo kuwa fulinta sharciga, iyadoo ku amartay inay xoojiyaan tallaabooyinka ka hortagga ah, si dhowna ula socdaan xaaladda, isla markaana tallaabo sharci ah ka qaadaan cid kasta oo lagu helo hurinta colaadaha ama falal khalkhal gelinaya amniga iyo kala dambeynta.
Gabagabadii, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa ugu baaqday maamulada heerarka kala duwan, odayaasha dhaqanka, culimada, haweenka, dhallinyarada, bulshada rayidka ah iyo guud ahaan waxgaradka Soomaaliyeed inay hormuud ka noqdaan dejinta xiisadda, xoojinta wada hadalka iyo adkeynta nabadda gobolka Shabeellaha Hoose.
From the comments