Goobjoog

War

Guddoomiyihii Hore ee Awdiinle iyo 150 Maleeshiyaad ah oo Isku Soo Dhiibay Ciidamada Qaranka

Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in Guddoomiyihii hore ee deegaanka Awdiinle ee Gobolka Baay, Ibraahim Kalaay, iyo ku dhowaad 150 maleeshiyaad ah ay maanta waqtiyo kala duwan isku…

Guddoomiyihii Hore ee Awdiinle iyo 150 Maleeshiyaad ah oo Isku Soo Dhiibay Ciidamada Qaranka

Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in Guddoomiyihii hore ee deegaanka Awdiinle ee Gobolka Baay, Ibraahim Kalaay, iyo ku dhowaad 150 maleeshiyaad ah ay maanta waqtiyo kala duwan isku soo dhiibeen Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ee ka hawlgala Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Sida ay Wasaaraddu sheegtay, kooxdaan ayaa si cad uga soo goostay maleeshiyaadkii uu hoggaaminayay Cabdicasiis Laftagareen, kuwaas oo lagu eedeeyay inay maalmihii u dambeeyay falal amni-darro ah ka wadeen deegaannada Gobolka Baay.

War-saxaafadeedka ayaa tilmaamay in tallaabadan ay ka tarjumeyso kalsoonida sii kordheysa ee shacabka iyo kooxihii hubeysnaa ay ku qabaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Qaranka, kuwaas oo wada dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo xasilloonida dalka.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan dadaallada lagu dhiirrigelinayo cid kasta oo hubeysan inay ka tanaasusho colaadda, isla markaana ku biirto geeddi-socodka nabadda iyo dib u heshiisiinta.

Get Goobjoog updates

From the comments