Goobjoog

Soomaaliya oo Guddoomisay Shirkii Ugu Horreeyey ee Wasiirrada Ganacsiga Dalalka Hindisaha Geeska Afrika

Addis Ababa, Itoobiya – Soomaaliya ayaa guddoomisay shirkii ugu horreeyey ee Wasiirrada Ganacsiga dalalka ku midoobay Hindisaha Geeska Afrika (HoAI), kaas oo maanta ka qabsoomay magaalada Addis Ababa ee dalka…

Soomaaliya oo Guddoomisay Shirkii Ugu Horreeyey ee Wasiirrada Ganacsiga Dalalka Hindisaha Geeska Afrika

Addis Ababa, Itoobiya – Soomaaliya ayaa guddoomisay shirkii ugu horreeyey ee Wasiirrada Ganacsiga dalalka ku midoobay Hindisaha Geeska Afrika (HoAI), kaas oo maanta ka qabsoomay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Shirka waxaa guddoomiyey Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Danjire Jamaal Maxamed Xasan, oo ku hadlay magaca dalalka ku midoobay Hindisaha Geeska Afrika.

Wasiirku wuxuu ku baaqay in dalalka gobolka ay si wadajir ah uga shaqeeyaan dhismaha hal aag dhaqaale oo wadaag ah, isaga oo xusay in loo baahan yahay in laga gudbo ballanqaadyada siyaasadeed loona gudbo tallaabooyin wax-ku-ool ah oo natiijooyin muuqda u horseeda ganacsatada iyo shacabka dalalka gobolka.

Wuxuu carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay ansixinta iyo hirgelinta Qorshe-hawleedka Fududeynta Ganacsiga Gobolka ee sannadaha 2026 ilaa 2031, iyo dhismaha Guddiga Goboleed ee Fududeynta Ganacsiga, si loo xoojiyo isku-xirka iyo ganacsiga dalalka ku mideysan hindisahan.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa ku baaqay in dalalka xubnaha ka ah hindisaha ay xoojiyaan iskaashiga, maalgelinta iyo ka qaybgalka ganacsatada iyo hay’adaha gaarka loo leeyahay, si qorshayaasha gobolka loogu beddelo waxqabad la taaban karo.

Wasiirrada Ganacsiga ee ka socday dalalka Itoobiya, Jabuuti, Kenya, Koonfurta Suudaan iyo Suudaan ayaa muujiyey taageeradooda qorshe-hawleedka cusub iyo dhismaha guddiga gobolka.

Shirka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray horumarinta marinnada ganacsiga, fududeynta habraacyada kastamka, isku-xirka dekedaha iyo dalalka aan badda lahayn, casriyeynta xuduudaha, adeegyada dhijitaalka ah iyo kor u qaadista ka qaybgalka ganacsatada.

Dowladda Jarmalka oo ku hadlaysay magaca saaxiibbada horumarinta ayaa dhankeeda xaqiijisay taageerada ay u hayso ajendaha ganacsiga gobolka, iyadoo adkaysay muhiimadda ay leedahay hoggaanka dalalka, isku-dubaridka taageerada farsamo iyo tan maaliyadeed.

Hindisaha Geeska Afrika ayaa lagu doonayaa in la dhiso dhaqaale goboleed isku xiran, iyadoo la yareynayo caqabadaha hortaagan ganacsiga iyo isu-socodka badeecadaha.

“Himiladeennu waa Geeska Afrika oo xuduudihiisu isku xiran yihiin dhaqaale ahaan, halkii ay kala qaybin lahaayeen—halkaas oo badeecadaha, adeegyada iyo fursaduhu si fudud uga gudbaan dalalka ku yaalla Geeska Afrika ee ku midoobay Hindisaha HoAI,” ayaa lagu sheegay shirka.

Shirkan ayaa muujinaya tallaabo cusub oo dalalka Geeska Afrika ay ugu gudbayaan iskaashi abaabulan oo lagu horumarinayo ganacsiga gobolka, laguna dhisayo dhaqaale isku xiran oo ay ka faa’iidaystaan shacabka iyo ganacsatada dalalka xubnaha ka ah hindisaha.

Ka Hel Goobjoog Wixii Cusub

From the comments