Goobjoog

Arrimaha Ganacsiga

Qiimaha Shidaalka Adduunka oo Sare u Kacay Kadib Weerarrada Maraykanka iyo Iiraan ee Marinka Hormuz

Qiimaha shidaalka caalamka ayaa si weyn kor ugu kacay, kadib markii ay cirka isku shareertay xiisadda u dhexeysa Maraykanka iyo Iiraan ee ka taagan Marinka Hormuz, oo ah marin-biyoodka ugu muhiimsan ee lagu daabulo shidaalka dunida.

Qiimaha Shidaalka Adduunka oo Sare u Kacay Kadib Weerarrada Maraykanka iyo Iiraan ee Marinka Hormuz

Qiimaha shidaalka caalamka ayaa si weyn kor ugu kacay, kadib markii ay cirka isku shareertay xiisadda u dhexeysa Maraykanka iyo Iiraan ee ka taagan Marinka Hormuz, oo ah marin-biyoodka ugu muhiimsan ee lagu daabulo shidaalka dunida.

Shidaalka nooca Brent Crude ayaa Isniintii kor u kacay in ka badan 4%, isagoo gaaray ku dhowaad 79.29 doollar halkii foosto, taasoo ah heerkii ugu sarreeyay tan iyo dabayaaqadii bishii Juun.

Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka (CENTCOM) ayaa sheegay inuu duqeymo is daba joog ah ku qaaday bartilmaameedyo ku yaalla Iiraan, isagoo sheegay in ujeeddadu ahayd in la wiiqo awoodda Iiraan ee weerarrada maraakiibta isticmaasha Marinka Hormuz.

Dhinaca kale, Iiraan ayaa weerarro gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku qaaday dalal ay ka mid yihiin Imaaraadka Carabta, Qatar, Kuwait, Cumaan iyo Baxreyn, iyadoo tallaabadaas ku sheegtay jawaab ay ka bixisay duqeymaha Maraykanka.

Mas’uuliyiinta Iiraan ayaa sidoo kale ka digay in maraakiibta aan raacin waddooyinka ay iyagu tilmaameen aysan heli doonin dammaanad amni, arrintaas oo sii kordhisay walaaca laga qabo isu socodka maraakiibta ganacsiga.

Wararka ayaa sheegaya in tirada maraakiibta mara Marinka Hormuz ay si weyn hoos ugu dhacday maalmahan, halka marinkan uu caadi ahaan maro ku dhowaad shan meelood meel shidaalka adduunka laga dhoofiyo.

Khubarada dhaqaalaha ayaa sheegaya in haddii xiisaddan sii socoto, qiimaha shidaalka uu sii ahaan karo mid sareeya bilaha soo socda, inkasta oo aan la filayn inuu gaaro heerarkii ugu sarreeyay ee hore loo arkay.

Sidoo kale, suuqyada saamiyada ee qaaradda Aasiya ayaa hoos u dhacay, iyadoo maalgashadayaashu ay ka walaacsan yihiin saameynta dagaalka iyo khatarta uu ku yeelan karo dhaqaalaha caalamka.

Xiisadda Marinka Hormuz ayaa weli ah mid si dhow isha loogu hayo, maadaama marin-biyoodkan uu door muhiim ah ku leeyahay ganacsiga shidaalka iyo xasilloonida dhaqaalaha adduunka.

Get Goobjoog updates

From the comments