Magaalada Boosaaso ayaa saaka lagu waabariistay iyadoo inta badan ay weli xiran yihiin goobaha ganacsigu, kadib toddobaad ku dhow oo uu ganacsiga magaaladu hakad ku jirey sababo la xariira khidmadda dekedda iyo canshuuraha oo la kordhiyay.
Ganacsatada ayaa ka cabanaya khidmad ay sheegeen inay shirkadda DP World ku soo rogtay maraakiibta ganacsiga ee badeecadaha keena dekedda Boosaaso.
khidmaddan ayay sheegeen inay sare u qaadayso qiimaha badeecadaha, isla markaana culays dhaqaale ku noqonayso ganacsiga iyo nolosha shacabka.
Dhanka kale, Puntland ayaa ku adkaysanaysa in khidmaddaasi la hirgelin doono, iyadoo aanay jirin wax calaamad ah oo muujinaya in labada dhinac ay weli gaareen heshiis.
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa dhankiisa beeniyay wararka sheegaya in dekedda Boosaaso iyo ganacsiguba ay xiran yihiin.
“Waa been wararka sheegaya in Dekedda Boosaaso xiran tahay, ganacsiguna waa furan yahay, inn afar albaab la soo sawiro micnaheedu ma aha in ganacsigu xiran yahay,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Si kastaba ha ahaatee, xirnaanshaha goobaha ganacsiga eelaga dareemayo magaalada ayaa muujinaysa in khilaafka u dhexeeya ganacsatada iyo maamulka Puntland uu weli taagan yahay, iyadoo la sugayo xal lagu dhammeeyo muranka saameynta ku yeeshay dhaqaalaha magaalada Boosaaso.
From the comments