Soomaaliya ayaa tijaabisay hannaan cusub oo lagu gaarsiinayo tallaalka cudurka dabaysha carruurta ku nool degaannada halista sare leh, iyadoo in ka badan 122,000 oo carruur ah lagu tallaalay saddex degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir.
Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO ayaa sheegtay in ololaha tijaabada ah laga fuliyey degmooyinka Dayniile, Garasbaaley iyo Kaxda, oo loo aqoonsaday degaanno halis sare leh.
Muddo shan maalmood ah waxaa tallaalka cusub ee afka laga qaato ee dabaysha nooca labaad (nOPV2) la siiyay 122,067 carruur ah oo da’doodu ka yar tahay shan sano, tiradaas oo u dhiganta 94 boqolkiiba carruurtii la tiigsanayay. Tallaalkan waxaa si gaar ah loogu adeegsadaa ladagaallanka fayraska dabaysha nooca labaad ee bulshada dhexdeeda ku faafa.
Hannaanka cusub ayaa xoogga saaraya in xog faahfaahsan loo adeegsado qorshaynta ololaha, halkii lagu tiirsanaan lahaa qiyaaso guud oo keliya.
Kooxaha tallaalka ayaa adeegsaday xogta tirada dadka, Nidaamka Macluumaadka Juqraafiyeed ee GIS, oo ah hannaan xogta lagu xiriiriyo goobaha iyo khariidadaha, xaqiijin laga sameeyo goobaha iyo lasocod toos ah si loo ogaado degaannada mudnaanta leh iyo carruurta laga yaabo inay ololaha ka maqnaadaan.
WHO ayaa sheegtay in degaannada magaalooyinku leeyihiin caqabado gaar ah, gaar ahaan isbeddelka joogtada ah ee dadka, soogalootiga cusub iyo qoysaska ku nool degaannada aan rasmiga ahayn.
Tijaabadan ayaa loogu talagalay in lagu fahmo sida carruurtaas si ka habboon loogu gaari karo, isla markaasna casharrada laga barto loogu adeegsan karo ololayaasha tallaalka ee mustaqbalka.
Soomaaliya tan iyo 2014 kama diiwaangelin kiis ka dhashay fayraska dabiiciga ah ee dabaysha, hasayeeshee tan iyo 2017 waxaa dalka ka jiray nooc fayraska dabaysha ah oo ka soo farcamay tallaalka afka laga qaato kuna dhex wareega bulshada, gaar ahaan nooca labaad (cVDPV2).
Fayraskan wuxuu muddo dheer ku dhex faafi karaa bulshooyinka ay heerarka tallaalkoodu aadka u hooseeyo, gaar ahaan marka carruur badan aysan helin tallaalka dabaysha. WHO iyo hay’adaha caafimaadku waxay arrintan ku sababeeyeen tallaalidda oo hoosaysa iyo carruurta oo aan si dhammaystiran ah loo wada gaari karin.
Xog ay hore u daabacday Xarunta Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada ee Maraykanka ayaa muujisay in intii u dhexaysay 2017 iyo Maarso 2024 Soomaaliya laga diiwaangeliyey 39 kiis oo cVDPV2 ah oo ku kala baahay 14 gobol, iyadoo carruur badan oo ku nool qaybo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha dalka aan si joogto ah loo gaari karin sababo la xiriira amnidarro iyo xannibaado kale.
Tijaabada Banaadir waxaa sidaas darteed lagu eegayaa in xogta juqraafiyeed iyo lasocodka waqtiga dhabta ahi ay yarayn karaan tirada carruurta ka maqnaata tallaalka, gaar ahaan degaannada dadka badani ku nool yihiin ama ay si joogto ah ugu soo guurayaan.
WHO ayaa sheegtay in natiijooyinka laga helo Dayniile, Garasbaaley iyo Kaxda loo adeegsan doono qiimaynta in hannaankan lagu ballaarin karo degaanno kale oo Soomaaliya ah, iyadoo hadafku yahay in la gaaro carruurta aan weli helin tallaalka iyo in la joojiyo faafitaanka fayraska dabaysha.
From the comments