Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal rasmi ah oo ku saabsan dhaqan-gelinta awaamiir iyo go’aanno ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa la xiriira shaqaalaha iyo hay’adaha dowladda.
Qoraalka oo ku taariikhaysan 20-ka Sebtembar 2026, kana soo baxay Xafiiska Wasiirka Caafimaadka, ayaa lagu sheegay in Wasaaradda Caafimaadka iyo waaxyaha hoos yimaada ay tixraacayaan warqad ka soo baxday Golaha Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka, taas oo ku saabsan dhaqan-gelinta hannaanada la xiriira shaqaalaha dowladda.
Wasaaradda ayaa sheegtay in hay’adaha hoos yimaada ay waajib ku tahay inay qaadaan tallaabooyin maamul, xilliga shaqada, beddelid, wareejin iyo magcaabis iyadoo la raacayo nidaamka iyo habraacyada dowladda.



From the comments