Qandala, 20 Sebteembar 2026: Maleeshiyaad ka tirsan DCSH ayaa weerar ku qaaday guri qoys degan deegaanka Kayaxa, oo u dhow tuulada Sheebaab ee magaalada Qandala, kaas oo la sheegay inuu lahaa sarkaal ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland.
Weerarka ayaa lagu qaaday xilli guriga ay ku jireen saddex carruur ah oo yaryar, hooyadood iyo ayeeyadood. Sida uu sheegay Siciid Cali Oorshe oo ah aabbaha qoyska, maleeshiyaadka ayaa guriga ku weeraray rasaas iyo bambooyin gacanta laga tuuro.
Siciid Oorshe ayaa sheegay in weerarka uusan sababin wax khasaare nafeed ah, balse uu sababay burbur hantiyeed iyo waxyeello soo gaartay guriga, taas oo ka muuqatay muuqaal laga duubay goobta iyo xaaladda qoyska.



From the comments