Carwadii ugu horreysay ee isgaarsiinta iyo teknoolojiyada dalka ayaa maanta ka furantay magaalada Muqdisho, taas oo soo bandhigeysa horumarka ay bulshadeenu ka sameeyeen isgaarsiinta iyo teknoolojiyada.
Carwadan waxaa loogu talo galay inay noqoto dhacdada ugu weyn ee ay ku kulmaan dhammaan daneeyeyaasha isgaarsiinta iyo teknoolojiyada dalka, sida shirkadaha isgaarsiinta, internet-ka, shirkadaha sameeya website-yada iyo barnaamijyada, fikradaha cusub ee dhinaca Teknoolojiyada, jaamacadaha bixiya aqoonta ICT iyo hay’adaha dawladeed ee ka shaqeeya isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Waxaa carwadan dhinaca farsamada ka caawinaya Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Carwadan oo ay ka qeybgalayaan in ka badan 60 shirkad, jaamacad iyo hay’ad dawladeed, waxaa lagu soo bandhigay badeecadaha iyo adeegyada ay iibiyaan, waxayna fursad u helayaan siddii ay isku baran lahaayeen, iskuna kaashan lahaayeen, Carwadan oo dadweynaha u furan 16ka iyo 17ka Oktoobar, subaxii 9ka subax illaa 5ta galabtii, waxay dadweynuhu sidoo kale ka qeybgali karaan aqoon-isweydaarsiyo, iyaddoo sidoo kale lagu guuleysanyo deeqo waxbarasho iyo agab kale sida laptop, talefoonnada gacanta, internet modems, iwm.




From the comments