Munaasabado ballaaran oo lagu xusayay 26-ka Juun, maalintii gobollada waqooyi ee Soomaaliya ay xorriyadda ka qaateen gumeysigii Ingiriiska sannadkii 1960-kii, ayaa lagu qabtay magaalooyinka Muqdisho, Hargeysa, Dhuusamareeb iyo Baydhabo.
Madaxda iyo mas’uuliyiintii ka qeyb-gashay munaasabadahaasi ayaa si weyn uga hadlay muhiimadda ay maalintani u leedahay taariikhda Soomaaliya, iyagoo xusay halgankii dheeraa ee loo soo maray xorriyadda iyo kaalinta ay ku leedahay xoojinta dareenka waddaniyadda iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo magaalada Muqdisho kaga qeyb-galay munaasabad heer qaran ah oo lagu maamuusayay 26-ka Juun, ayaa sheegay in dowladdiisu aysan marnaba ka daali doonin dadaallada dib loogu soo celinayo midnimada Soomaaliya.


From the comments