Goobjoog

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xoghayaha Guud ee Raabidada Caalamka Islaamka kala hadlay la-dagaallanka xagjirnimada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Qasriga Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Xoghayaha Guud ee Raabidada Caalamka Islaamka, ahna Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Muslimiinta, Dr. Mohammed bin Abdulkarim Al-Issa.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Raabidada Caalamka Islaamka, iyadoo si gaar ah looga wada hadlay arrimaha la xiriira fahamka saxda ah ee Diinta Islaamka, ka hortagga fikirka xagjirka ah iyo xoojinta nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulanka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo dadaallada lagu la-dagaallamayo fikradaha xagjirka ah iyo marin-habaabinta dhalinyarada, isagoo tilmaamay in iskaashi xooggan oo dhinacyada dowladda, culimada iyo hay’adaha Islaamiga ah uu muhiim u yahay ka hortagga fikirrada dhaawici kara nabadda iyo midnimada bulshada.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Raabidada Caalamka Islaamka mowqifkeeda ku aaddan taageerada midnimada, madaxbannaanida iyo qarannimada Soomaaliya, iyo sidoo kale doorka ay ka qaadato horumarinta bulshada Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa sidoo kale xambaarsanaa muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada shaqeynta dhinacyada diinta, nabadda, wacyigelinta bulshada iyo ka hortagga xagjirnimada, si loo kobciyo faham diimeed oo dhexdhexaad ah, loona dhiirrigeliyo nabad iyo wadajir bulshada dhexdeeda.

Ka Hel Goobjoog Wixii Cusub

From the comments