Goobjoog

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray Taliska Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor

Muqdisho, Sebteembar 10, 2026 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Taliska Qaybta 1-aad ee…

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray Taliska Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor

Muqdisho, Sebteembar 10, 2026 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Taliska Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa warbixinno ka dhageystay Taliska iyo saraakiisha ciidamada, isagoo booqday xafiisyada Taliska, deegaanka ciidamada, Isbitaalka Qaybta iyo xarumaha saadka.

Kormeerka ayaa Madaxweynaha u sahliyay inuu u kuurgalo xaaladda guud ee ciidamada, adeegyada ay helaan iyo heerka diyaar-garowga ay u leeyihiin gudashada waajibaadka qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale la kulmay cutubyo ka tirsan Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor, kuwaas oo dhowaan soo dhammaystay tababar heer sare ah.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay kaalinta ciidamada Gorgor ee difaaca dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, isagoo faray ciidamada inay sii xoojiyaan diyaar-garowgooda si loo xaqiijiyo himilada shacabka Soomaaliyeed ee Soomaaliya xor ka ah Khawaarijta.

Ugu dambayn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Dowladda iyo shacabka Türkiye uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay ka geystaan dib-u-dhiska, tababarka iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan horumarinta cutubyada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Gorgor.

Ka Hel Goobjoog Wixii Cusub

From the comments