Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kormeer ku tagay Dugsiga Farsamada Gacanta ee Prof. Cadow, magaalada Gaalkacyo.
Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhageystay maamulka dugsiga, isagoo sidoo kale booqday fasallada, goobaha tababarka iyo qeybaha kala duwan ee xarunta. Dugsiga ayaa ardayda lagu baraa xirfado ay ka mid yihiin korontada, dhismaha, cilmiga kombiyuutarrada iyo farsamada gaadiidka.
Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay Dowlad Goboleedka Galmudug, gaar ahaan dadaallada lagu horumarinayo waxbarashada farsamada gacanta iyo kobcinta xirfadaha dhallinyarada.



From the comments