xajku sanadkan wuxuu noqday mid si weyn uga duwan sanadihii hore, iyadoo xiisada militari ee u dhexeysa mareykanka iyo Iiraan ay saameyn toos ah ku yeelatay dhaq-dhaqaaqii xujeyda caalamka.
Inkasta oo la gaaray xabbad-joojin jilicsan, haddana cabsi laga qabo in dagaalku mar kale qarxo ayaa haraysay diyaar-garowga xajka, ayadoo wax weyn laga badelay socdaalka hawada iyo qorshayaasha dowladaha Islaamka.
ciraaq ayaa si weyn uga faa’iideysatay xuduudda ay la wadaagto Sucuudiga, gaar ahaan marinka Carcar, si loogu gudbiyo xujeyda si nabad ah.
Basas badan ayaa halkaasi ka qaaday xujeyda Ciraaqiyiinta, iyadoo marinkaasi sidoo kale noqday marin muhiim u ah xujeyda Iiraaniyiinta ah.
Dowladda Iiraan ayaa qiyaastii 3,000 oo xujey ah ku dirtay dhanka dhulka, iyagoo markii hore galay Ciraaq kadibna uga gudbay Sucuudiga iyagoo sii maraya marinka Carcar.
Tallaabadan waxay ahayd qorshe looga hortagayo khataraha duulimaadyada iyo suurtagalnimada xiritaanka hawada gobolka.
Indonesia oo wajahday koror weyn oo kharashaadka duulimaadka ah, oo leh tirada ugu badan ee Muslimiinta dunida, ayaa ayaduna la kulantay dhibaato dhaqaale kadib markii shirkadaha diyaaradaha ay sare u qaadeen qiimaha tikidhada in ka badan 40%. Xujeyda ayaana lagu soo rogay lacag dheeraad ah oo gaareysa 1.7 tirilyan oo rupiah.
Si kastaba, Madaxweynaha Indonesia Prabowo Subianto ayaa si toos ah u farageliyay arrinta, wuxuuna amray dowladdu inay bixiso farqiga lacagta ah si aan culays dhaqaale loo saarin ku dhowaad 221,000 oo xujey Indonesian ah, ayadoo dowladdu sidoo kale sii waddo qorshaheedii dhimista kharashaadka xajka sanadkan.
Hindiya ayaa dhankeeda qaaday tallaabo ka duwan tan Indonesia, iyadoo guddiga xajka dalkaasi uu kordhiyay lacagta laga qaadayo xujeyda 10,000 rupiah qofkiiba, ayadoo
Dowladdu ay sheegtay in tani ay tahay qayb yar oo kamid ah kororka ay dalbadeen shirkadaha diyaaradaha.
arrintan ayaa dhalisay dood siyaasadeed, iyadoo siyaasiyiin Muslimiin ah ay ku eedeeyeen dowladda Hinduuga ah inay culays gaar ah saareyso Muslimiinta dalkaasi.
Suudaan ayaa ayaduna wajahaysa xaalad aad u adag, iyadoo dagaalka gudaha ee socday muddo saddex sano ku dhow uu ku darsamay saameynta xiisadaha gobolka.
Burburka ka dhacay caasimadda Khartoum ayaa keenay in xaruntii ugu weynayd ee xujeyda loo raro magaalada Port Suudaan.
Qiimaha xajka Suudaan ayaa si weyn u kacay, isagoo dhaafay 11 milyan oo giniga Suudaan ah, taasoo culays dhaqaale oo weyn saartay shacabka.
Lubnaan ayaa sidoo kale wajahaysa jawi colaadeed, ayadoo qiimaha tikidhada diyaaradaha qaar ay gaareen in ka badan 820 doollar, ayadoo walaaca ugu weyn ee haysta ku dhowaad 6,000 oo xujey Lubnaaniyiin ah uu yahay in dagaalku uu keeno xiritaanka garoomada diyaaradaha.
Dowladaha Lubnaan iyo Sucuudiga ayaa hore ugu heshiiyay qorshe degdeg ah oo xujeyda loogu soo celinayo dhanka xuduudaha haddii xaaladdu sii xumaato.
Dhanka kale, Suuriya ayaa u muuqata inay galeyso xilli xaj oo taariikhi ah kadib markii ay kasoo baxday go’doomintii caalamiga ahayd, Kadib isbeddelladii siyaasadeed ee dalkaasi, waxaa la kordhiyay saamiga xujeyda Suuriya ilaa 24,500 sanadkii.
Sidoo kale shirkadda diyaaradaha Suuriya ayaa dib u billowday duulimaadyadii xajka kadib sannado hakad ah.
Liibiya ayaa noqotay dalka ugu hadal-heynta badan xajkan kadib markii ay dowladda si rasmi ah u shaacisay inay qaadeyso dhammaan kharashaadka xujeydeeda sanadkan, ayadoo dowladda ayaa sidoo kale u diyaarisay xujeyda hoy qaali ah oo ku yaalla Maka iyo Madiina.
Si kastaba ha ahaatee xiisadaha siyaasadeed iyo militari ee Bariga Dhexe ayaa sanadkan si toos ah u taabatay xajka Muslimiinta dunida, ayadoo dowlado badani ay beddeleen qorshayaashoodii safarka, halka qaar kale ay qaadeen culaysyo dhaqaale si ay u ilaaliyaan xujeydooda.
From the comments