Goobjoog

Soomaaliya oo Xoojinaysa Iskaashiga Midowga Afrika ee La-dagaallanka Argagixisada

Muqdisho, Sebteembar 15, 2026 — Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, ahna Ku-simaha Wasiirka Gaashaandhigga, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socday Xarunta Ka-hortagga Argagixisada ee Midowga…

Soomaaliya oo Xoojinaysa Iskaashiga Midowga Afrika ee La-dagaallanka Argagixisada

Muqdisho, Sebteembar 15, 2026 — Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, ahna Ku-simaha Wasiirka Gaashaandhigga, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socday Xarunta Ka-hortagga Argagixisada ee Midowga Afrika (AUCTC).

Wafdiga waxaa hoggaaminayay Agaasimaha Xarunta AUCTC, Mudane Idriss Mounir Lallali, iyadoo kulanka diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Afrika ee dhinaca la-dagaallanka iyo ka-hortagga argagixisada.

Kulanka ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu xoojinayo awoodda hay’adaha amniga iyo ciidamada qaranka, iyadoo iskaashiga caalamiga ah iyo kan qaaradeed uu muhiim u yahay ka hortagga khataraha amni ee gobolka.

Wadahadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo AUCTC ayaa sidoo kale muhiim u noqon kara is-dhaafsiga khibradaha, taageerada farsamo iyo xoojinta hababka looga hortago argagixisada iyo xagjirnimada rabshadaha wata.

Ka Hel Goobjoog Wixii Cusub

From the comments