Muqdisho, 15 Sebteembar 2026 — Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay inay burburisay shabakado ay ku eedeysay inay ka tirsanaayeen Shabaab kuwaas oo la sheegay in loo diyaariyay inay si qarsoodi ah uga howlgalaan qaybo ka mid ah Muqdisho iyo nawaaxigeeda.
Sida lagu sheegay war kasoo baxay NISA, ciidamada ayaa howlgallo qorsheysan ka sameeyay Daarusalaam, Garasbaaley, Kaxda, Dayniile iyo Afgooye, iyadoo intii ay socdeen lagu qabtay 11 qof oo lagu tilmaamay inay ka tirsanaayeen shabakado kala duwan.
Hay’addu waxay sheegtay in dadka la qabtay loo diyaarinayay fulinta falal ay ku waxyeelleyn lahaayeen amniga iyo shacabka Soomaaliyeed.



From the comments