Dawladda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay nin muddo dheer ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidamada deegaanka iyo Dawladda ee gobolka Galgaduud.
Fiidow Xuseen Daqarre, oo sheegay inuu muddo 11 sano ah ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, ayaa isku soo dhiibay ciidamada deegaanka ee ku sugan Ceelgaras, gobolka Galgaduud.
Fiidow ayaa sheegay inuu go’aansaday inuu isaga soo baxo kooxda kadib markii uu fahmay in fikirkii iyo amarkii uu muddada dheer ku jiray aysan ahayn xaqiiqadii uu aaminsanaa.
Wuxuu sidoo kale sheegay inuu ka faa’iideystay cafiska ay dowladda Federaalka Soomaaliya u fidisay xubnaha iyo horjoogayaasha kooxaha hubeysan ee go’aansada inay ka soo baxaan.
Isagoo hadalkiisa sii wata, Fiidow wuxuu sheegay in muddadii uu kooxda ku jiray lagu barayay in dowladda Soomaaliya iyo dadka taageera dowladda ay yihiin dad gaalo ah, isla markaana loo arko inay mudan yihiin in lala dagaallamo oo la ciqaabo.
Hase yeeshee, wuxuu sheegay in markii uu muddo dheer ku jiray kooxda uu ugu dambeyn gaaray xaqiiqada, isla markaana uu ogaaday in fikirkaas uu ahaa mid marin-habaabin ah.
Fiidow ayaa ugu baaqay xubnaha kale ee weli ku jira Al-Shabaab inay ka faa’iideystaan fursadda loo fidinayo, isla markaana ay iska soo baxaan oo ay isu soo dhiibaan dowladda.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa horey ugu baaqay xubnaha Al-Shabaab iyo Daacish ee ka tanaasula fikirka xagjirka ah inay dowladda isku soo dhiibaan, iyadoo loo fidinayo cafis iyo fursad ay dib ugu soo laabtaan bulshada.
From the comments