Goobjoog

Ciidanka Danab oo sheegay in howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Buula Fulay ay ku dileen 14 Al-Shabaab ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada Kumaandooska Danab, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Buula Fulay ee gobolka Baay, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa sheegtay in howlgalka ay ciidamadu ku dileen 14 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, iyadoo sidoo kale burburiyay saldhig ay maleeshiyadu ku dhuumaalaysanayeen.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku ciribtirayaan maleeshiyada Al-Shabaab, isla markaana lagu sugayo amniga iyo xasiloonida deegaannada ay ciidamada dowladdu howlgallada ka wadaan.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa bogaadiyay geesinimada iyo naf-hurnimada ciidamada, iyagoo sheegay in howlgallada noocan ah ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijiyo nabadgelyada iyo xasiloonida guud ahaan dalka.

War-saxaafadeedka Wasaaradda ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada dowladda ay ka go’an tahay sii wadidda howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo xoojinta amniga deegaannada dalka.

Ka Hel Goobjoog Wixii Cusub

From the comments