Ciidanka Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ayaa hawlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka u dhow Harboole ee degmada Afmadow, Gobolka Jubada Hoose.
Sida lagu sheegay war kasoo baxay ciidamada, hawlgalka ayaa lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku howlanaa diyaarinta iyo aasidda miinooyinka nooca loo yaqaan IED-yada, kuwaas oo la qorsheeyay in lagu waxyeelleeyo waddooyinka ay isticmaalaan gaadiidka rayidka ah.
Ciidamada Danab ayaa ku guuleystay inay carqaladeeyaan qorshaha kooxdaasi, iyadoo hawlgalku qayb ka yahay dadaallada socda ee lagu sugayo ammaanka shacabka iyo isku socodka gaadiidka ee deegaannada Gobolka Jubada Hoose.
War-saxaafadeedka ciidamada laguma sheegin faahfaahin ku saabsan khasaaraha ka dhashay hawlgalka.
Gobolka Jubada Hoose ayaa muddo dheer ahaa goob ay ka socdaan hawlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, iyadoo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa saaxiibada la ah ay sii wadaan cadaadiska militari ee lagu wiiqayo awoodda kooxda.
Deegaannada miyiga iyo kaymaha gobolka ayaa kooxda hore ugu adeegsan jirtay saldhigyo ay ka qorsheeyaan weerarro iyo falal amni-darro, gaar ahaan waddooyinka muhiimka ah ee isku xira deegaannada Jubada Hoose iyo xuduudda Soomaaliya iyo Kenya.
Hawlgalka ugu dambeeyay ayaa qayb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu wiiqayo awoodda Khawaarijta, laguna xoojinayo ammaanka shacabka, ganacsiga iyo isu socodka bulshada ee koonfurta dalka.
From the comments