Xikmaawiyiinta dunidu waxay ka tageen dhaxal suugaaneed iyo mid qoraal oo qeexaya cudurka doqoniimada, oo ah mid dawadiisa lagu dawakhay. Waxa la yidhi, “Caruurnimada waa laga weynaadaa, fudaydka waa laga degaa, jahliga wax baa laga bartaa, sakhradda waa laga toosaa, balse doqoniimadu weligeed way joogtaa.” Waxa kale oo la yidhi, “mushkiladda caalamku waxa weeye inay doqomada iyo xaqjirku naftooda aad ugu kalsoon yihiin markasta, halka ay caaqilada buuxisay kalsoonidarro.”
Kontomeeyaha qarnigii tegay ustaad asalkiisu Talyaani yahay, oo la yidhaahdo Carlo M. Cipolla, oo dhigi jiray jaamacadda Kalafoorniya, ayaa qoray maqaal lafagur ah, oo uu u bixiyay Xeerarka Seeska u ah Doqoniimada Dadka (The Basic Laws of Human Stupidity), maqaalkaas wuxuu markii danbana ka dhigay buug isla ciwaankaas wata, oo caan noqday.
Qodobbada maantana waxaan ku faaqidayaa buuggaas:
1. Aadamuhu waa noole bulshaawi ah, oo markasta xidhiidh iyo wadashaqayn la leh dad kale, keligoodna aan isbixin karin. Haddaba, marka la qiimeeyo habdhaqanka iyo saamaynta uu qofku dadka kale ku leedahay, waa afar midkood, ayuu Cipolla qabaa. Markaad dadka la dhaqmayso afar midkood uun baad tahay: dayac, daallin, kasdoor (caaqil) ama doqon.
2. Haddii saamaynta aad ku leedahay qofka kale ay keento isaga dheeftiisa iyo adiga khasaarahaaga, waxaad tahay DAYAC (Helpless). Tusaale ahaan, abwaanka caqligiisa, curintiisa iyo cududdiisa ku bixiya waxtarka iyo baraarujinta bulshada, isaga oo tiisa gaarka ah hilmaamayaa waa dayac.
3. Haddii saamaynta aad ku leedahay qofka kale ay keento isaga khasaarihiisa iyo adiga dheeftaada, waxaad tahay DAALLIN (Bandit). Tusaale ahaan, budhcadka isbaarada dhiganaya ee dadka xoolahooda dhacayaa waa daallin, dheef aanu lahayn qaadanayaa.
4. Haddii saamaynta aad ku leedahay qofka kale ay keento isaga dheeftiisa iyo adiga dheeftaada, waxaad tahay KASDOOR (Intelligent). Tusaale ahaan, ganacsadaha samaynaya alaab ama keenaya adeeg qiimo badan, ee lacagta faa’idayaa waa caaqil.
5. Haddii saamaynta aad ku leedahay qofka kale ay keento isaga khasaarihiisa iyo adiga khasaarahaaga, waxaad tahay DOQON (Stupid). Tusaale ahaan, qofka gurigiiisa hortiisa qashinka ku qubayaa waa doqon.
6. Cipolla wuxuu rummaysan yahay afartaas sare, inay doqoniimadu tahay ta ugu halista badan, waayo qofka doqonka falalkiisa lama saadaalin karo, lama qiimayn karo, lamana qeexi karo. Waa qof wax hallaynaya isaga oo aan waxba dheefayn, balse ay u badan tahay inuu wax khasaarayo. Markii uu inbadan lafagurayna, shan xeer ayuu u dejiyay Cipola faaqidaada doqoniimada dadka.
7. Xeerka Koowaad: “Inta badan dadku way yaraystaan heerka tirada doqomada ee bulshada”.
Cipolla wuxuu aamminsan yahay inay doqomadu ka badan yihiin sida aynu moodayno, aag kasta oo laamaha bulshada ahna ay daf ka yihiin, sida siyaasadda, wadaadowga, waxbarashada, dhaqanka, suuqa, shaaraca iyo guryaha. Tusaale ahaan, kulanka shan madaxweyne iyo kulanka shan ciyaalo xaafad ah, tirada doqomada ee mid kasta ku jiraa way isleeg tahay.
8. Xeerka Labaad: “Inuu qofku doqon noqdaa kuma xidhna hayb kale oo uu qofku leeyahay”
Cipolla wuxuu qabaa inaanay doqoniimadu ku xidhnayn midab, diin, qabiil, aqoon, hanti ama wax kasta oo kale, ee doqoniimada laga helayo maqaamka ugu sarreeya qof jooga, ama ka ugu hooseeya.
9. Xeerka Saddexaad:“Doqonku waa qofka waxyeellaynaya qof kale ama koox kale, isaga oo aan wax dheef ah ka faa’idayn, ama isaguba ku waxyeelloobaya”.
10. Xeerka Afraad:“Dadka aan doqomada ahayni, markasta way dhayalsadaan halista doqomada”.
Qofka caqliga badan, fariidka ah, ama wanaagsani wuxuu inta badan moodaa inuu awood u leeyahay inuu fahmo doqonka ama u xakamayn karo waxyeelladiisa; balse wuxuu baraarugaa marka uu la kulmo khasaare lamafilaan ah. In aad la dhaqanto doqonku waa halis, waayo habdhaqankiisu waa mid anbad ah, oo aan la saadaalin karin.
11. Xeerka Shanaad “Qofka doqonka ah ayaa ka dhib badan, qofka daallinka ah”.
Qofka daallinka ah waa la filan karaa falalkiisa, oo dan buu kaaga leexan karaa ama cabsi, balse doqonka waxba ma celiyaan. Waxyeelladiisu waa bilaa yool, markaa ma filan kartid, mana fahmi kartid.
12. Si looga dheeraado ama loo yareeyo khasaaraha ay doqomadu u gaystaan bulshada, Cipolla wuxuu soo jeedinayaa dadka aan doqomada ahayni inay aad u dedaalaan, oo ay hagaajiyaan wixii ay doqomadu qarribaan. Laakiiin, haddii ay masuurtawdo tahay inaynu nafteenna doqomada ka badbaadinno, Cipolla wuxuu inagula talinayaa, inaynu aargoosi ka dhiganno ku qosolka mid ka mid ah awoodaha mugdiga ee ugu weyn, ee hortaagan horumarka aadamaha, isla markaana caqabadda ku ah farxadda iyo badhaadha dadka, oo ah doqoniimada.
From the comments