Sheekafanneeda Odayga iyo Badda waxa xiisaha u yeelaya waa in ay tahay tijaabo shakhsi ah oo ku saabsan hal qof oo isagu isla sheekaysanaya, naftiisa la murmaya, isdhiirrigelinaya, wax isxasuusinaya; marn wax qiranaya, marna iscanaananaya. Waa oday soojabay oo waayo badan u soo joogay. Badmaax waaya-arag ah oo ay iminka baddii iswajahayaan ayaad muddo dhawr saacadood ah la jaalaysaa.
Qisada qoritaanka sheekada iyo duruuftii ku hareeraysnayd ayaa ah mid xiiso leh. Masraxa suugaanta ee qarnigii 20aad, shakhsiyaad yar ayaa yeeshay saamayn la eg midda Erneest Heemginway (Ernest Hemingway). Si kastaba ha ahaatee, horraantii 1950meeyadii, suugaanyahankan reer Maraykan wuxuu wajahayey marxalad adag. Waxaa fashilmay buuggiisii “Webiga illaa iyo Dhirta” (Across the River and Into the Trees), ka dib markii uu akhristayaasha dhaliil xooggan kala kulmay. Madalaha suugaanta waxaa la isla dhex marayay in “Papa” (naanaysta Hemingway) ay ka dhammaatay. Balse way qaldanaayeen. Sannadkii 1952kii, Heemingway wuxuu daabacay buugga “Odayga iyo Badda” (The Old Man and the Sea), kaas oo uu ku aamusiiyay dhaliilayaashii. Sheekafaneeddan gaaban kaliya ma ay soo celin sumcaddiisii, balse waxay u horseedday inuu ku guulaysto Abaalmarinta Buulitaseer (Pulitzer), sidoo kalana waxay door weyn ka ciyaartay inuu ku guulaysto Abaalmarinta Nobel ee Suugaanta labo sano ka dib. Tobanaan sano ka dib, buuggan xajmiga yar wuxuu u weli taagan yahay sidii taallo muuq dheer oo metelaysa adkaysiga iyo awoodda doonista ee aadanaha. Waa sheeko aan lahayn sharraxaad dheeraad iyo tafaasiil sawireed, kana madhan hadaltiro badan, balse leh miisaan aad u culus iyada oo dhex jibaaxaysa xaaladda nololeed ee aadanaha.
Odayga iyo Badda
Sheekadu waxay ku bilaabmaysaa qaab fudud, waxayna ka dhacaysaa Gacanka Istiriim ee xeebaha dalka Kuuba. Santiyaago (Santiago), oo ah kalluumayste da’ ah oo nasiibxumadu ka daba timi wuxuu badda ku jiray siddeetan iyo afar maalmood oo aanu wax kalluun ah soo qaban. Tuulada uu degganyahay, waxaa looga yaqaannaa salao—oo ah heerka ugu danbeeya ee nasiibxumada. Saaxiibka kaliya ee uu leeyahay waa wiil yar oo la yidhaahdo Maanoliin (Manolin). Waalidkii ayaa ku qasbaya inuu ka hadho doonta odayga una wareego mid kale oo nasiib badan, in kasta oo jacaylka iyo daacadnimada wiilku u hayo odayga aanay marnaba laciifin.
Isaga oo ay dabada ka riixayso baahi iyo karaamo, Santiago wuxuu go’aansanayaa inuu u ka soo jillaabto”meel fog” oo badda gunteeda ah, meel ka shisheysa halka dadka kale ku dhiirradaan. Halkaas, wuxuu ku jillaabtay kalluunka wayn oo xajmigiisa in uu hal qof ka tan badan, nooca Maarliinka (Marlin) loo yaqaan oo baaxad iyo xoog leh. Waxaa xiga loollan adag oo saddex maalmood socday, kaas oo u dhexeeya odayga iyo kalluunka weyn—waa dagaal tijaabinaya xaduuda awoodda jidheed iyo rabitaan ee Santiyaago, wuxuuna ku dhammaanayaa natiijo guul iyo guuldarro labada ba xanbaarsan.
Nuxur ahaan, sheekada Odayga iyo Badda waxay xambaarsan tahay cashar ku saabsan dabciga aan la jabin karin ee ruuxda aadanaha. Fariinta udub-dhexaadka u ah sheekada waxaa laga dhex helayaa mid ka mid ah hadallada daalladhaca ah ee ee Santiago naftiisa kula hadlayo marka uu leeyahay, “Nin waa la burburin karaa, balse lagama adkaan karo.”
Fikradda guusha iyo guuldarrada qaabka uu Hemingway sheekada dhexdeeda ugu sharraxayo waa mid xeeldheer. Wuxuu kala saarayaa jebinta iyo ka adkaanshaha, taas oo uu ku qeexayo in la isdhiibo ama cadowga gorodda loo laalaadiyo. Santiyaago si kasta oo Maarlinku uga awood badnaado, haddana marna isma dhiibin, ee wuu la halgamayey. Duruufo kale oo badan oo ka tanwayn karaankiisa iyo kartidiisa ayuu wajahay, hadda marna kuma uu fekerin in uu is dhiibo. Waa halkii uu Faarax Nuur ka lahaa, “Luquntaa haddii laydin jaro, lugaha meermeersha”. Si kasta oo lagaaga awood badan yahay lagaama adkaan karo, haddii aadan is dhiibin weeye murtida guud ee ay sheekadu werinaysaa.
Cibrooyinka kale uu Hemingway ku dhex sarbeebay sheekadiisa waxaa ka mid ah: dulqaadka. In aan la helin wax aan loo dhibtoon, shayga mudan na ay tahay in qiimihiisa oo xanuun ah la iska bixiyo. Xanuunka jidheed ee Santiyaago u adkaysanyo — gacanta muruqu ka galay, xadhigga dhabarkiisa jaraya, gacmaha hafeefanaya ee dhiigaya —waxay daliil u yihiin karaamada dulqaadka. In loo dhibtoodo sabab mudan (kalluunka weyn) waa, aragtida Hemingway, waa na caddeynta ugu weyn ee jiritaanka aadanaha. Waa xasuusin qallafsan oo qayaxan; halgamada waaweyn ee nolosha, sida aan u dhaqanno inta aan dagaalka ku jirno iyo natiijada dhammaadku waa isku miisaan xagga muhiimadda. Santiyaago waa mid ka mid ah jilayaasha ugu saamaynta badan caalamka suugaanta. Wuxuu xambaarsan yahay dabeecadda isdhuldhigidda. Wuxuu qirsan yahay inaanu lahayn xooggii uu beri lahaan jiray, balse wuxuu qiranayaa inuu yaqaanno xeelado badan, go’aan adayg na meel ayuu dhigtay.
Santiyaago marka uu la hadlayo badda wuxuu u arkaa dheddig. Kala saarista ereyada luuqadda uu adeegsanayo el mar (lab) iyo la mar (dheddig). Halka kalluumaysatada da’da yar ay badda uga hadlaan sidii nin ay la tartamayaan ama cadow, Santiyaago wuxuu u arkaa dumar—shay bixiya deeqaha waaweyn ama ka ceshada. Kalasoociddani waxay debcinaysaa qallafsanaanta sheekada. Santiyaago lama dagaallamayo badweynta, ee wuu ku dhex nool yahay. Sheekada dhexdeeda, dabeecadda laguma sheegayo sharwadayaal iyo khayrqabayaal, xitaa bahalaha sid libaaxbadeedka aakhirkii yimid, waxaa loo arkayaa wax caadi ah oo halganka nolosha ka mid ah.
Habqoraalka: Tashiilidda Ereyada
Dhanka qaab-qoraalka, sheekadani waa tusaalaha xeeldheerida iyo uruursanaanta. Hadaltiro maleh, hadda na waxay taabanaysaa gunta hoose mawduucyo aasaasi ah. Farsamada qoriseed ee tashiilku (minimalist) waa agab qoraaleed ay adeegsadaan suugaanleyda qaarkood waa in la isticmaalo erayada ugu yar ee suurtogalka ah si loo soo gudbiyo nuxur qotodheer. Waxay xoogga saartaa caddaynta, is-xakamaynta iyo saxnaanta luuqadda, iyadoo ku kalsoon in akhristuhu uu dareenka iyo ujeeddada kala soo dhex bixi karo faahfaahin yar halkii laga siin lahaa sharraxaad dheer.
Habkan uu adeegsaday Hemingway waa mid ku tiirsan jumlado gaagaaban, faahfaahin dareen oo lagama maarmaan ah, iyo wadasheekaysi kooban ama fal muujinaya dabeecadda iyo dhacdada; hannaankan saamayntiisu waxay ku jirtaa awoodda qarsoon ee ay leedahay “waxa aan la odhan”. Xogta la sheegay waxay la miisaan tahay midda aan la sheegin. Habqoraalkan ku dhisan tashiilidda ereyga iyo xeeldheerida nuxurka – oo aan anigu shakhsiyan aad u jeclahay qoraayada adeegsada – ayuu Hemingway na u hormuud u yahay. Sheekadan keliya na maahee buugaagtiisa oo dhan waa astaan ka dhex muuqata, se buuggan ayay si farshaxan leh uga dhex widhwidhaysaa. Dhan kale, xidhiidhka ka dhexeeya Santiyaago iyo Maanoliin waa mid xiiso leh. Wiilku wuxuu matalaa mustaqbalka iyo sii socoshada mihnadda. Marka Maanoliin uu ooyo isaga oo arkaya gacmaha dildillaacay ee odayga, akhristuhu wuxuu dareemayaa isku wareejinta xilka, waa garwaaqsi ah, inkasta oo qofku jabi karo, hadda na wareegga nolosha aadanuhu uu sii soconayo.
Muran iyo Mudnaan aan Duugoobin
Xilligan casriga ah ee lagu mamay natiijooyinka degdegga ah (instant gratification), xiisadda ka badbadiska ah iyo daraamada ashqaraarka leh sheekada Odayga iyo badda waxaa laga yaabaa in ay akhristayaasha qaarkood ay ka soo booddo. Sheekadani waxay inaga dalbanaysaa in aan lafteenu dulqaad u yeelano in aan oday keligii bad dhex sabbaynaya la fadhiisanno oo aamusnaan ku dhegaysano. Inta aad sheekada akhrinayso waxaa kugu soo dhacaya su’aalo ujeedka iyo sababta jiritaanka iyo abuurta aadanaha la xidhiidha, sidoo kale waxay kugu qasbaysaa inaad su’aal ka keento qeexidda guusha iyo guuldarrada. Safarka Santiyaago ma fashil baa maadaama uu la soo noqday lafo kaliya? Mise wuu guulaystay maadaama uusan isdhiibin?
Haddii ay jirto dhaliil loo sameeyo waxay noqon kartaa in sheekadu ay qarka u saaran tahay inay si qurux badan u sawirto dhibaatada. Dunida Hemingway waa mid ku dhisan adkaysi ragannimo (stoic masculinity) oo laga yaabo inay ku cusub tahay ama ku adag tahay akhristayaasha maanta qaarkood maanta. Sheekadu waa mid ku dhisan milgaha ragannimada iyo adkaysiga. Waxay oo aad u qaddarinaysa qiimaha qallafsanaanta dhabar-adaygga. Taas oo laga yaabo iya na in aanu la dhicin dhadhanka iyo dookha akhristaha casriga ah. Sidoo kale, habdhaca dhacdooyinka oo gaabis ah iyo xalladaynta oo ku yar ayaa laga yaabo in ay ku dhaliilaan akhristayaasha qaarkood.
Si kastaba ha ahaatee, kuwaasi waa dhaliilo yaryar marka la barbardhigo qiimaha faneed ee sheekada oo heer sare ah. Sheekada Odaygii iyo Baddii waa barkulanka ugu habboon ee farshaxanka habqoraalka fudud iyo nuxurka culus. Waa gabay baroordiiq ah oo loo tiriyay habnololeed sii dhimanaya iyo caddayn aan duugoobin oo ku saabsan qiimaha aadanaha. Weli waa mid saamayn leh, saamaynteeduna kuma koobna dhaqaalaynta ereyada oo keliya ee waa mid u taagan dareenwadareedka aadanaha ee maguuraanka ah.
WQ: Bootaan Bootaan
Turjumaa & Qoraa


From the comments