Goobjoog

Deegaanka & Cimilada

Kulaylka Yurub oo sii kordhaya iyo in ka badan 2,700 oo ugu geeriyooday UK bilihii May iyo Juun

Daraasad cusub ayaa sheegtay in in ka badan 2,700 dhimasho ah oo ka dhacay England iyo Wales , kuwaas oo lala xiriiriyay mowjado kulayl oo aan hore loo arag oo ku dhuftay Boqortooyada UK bilihii May iyo June.

Cilmi-baarayaashu waxay qiyaaseen in 550 qof ay u dhinteen kulaylka intii u dhexeysay 21 iyo 29 May, halka ku dhowaad 2,200 qof ay dhinteen intii u dhexeysay 18 iyo 28 June.

Hay’adda UK Health Security Agency (UKHSA) ayaa sheegtay inay toddobaadyada soo socda soo saari doonto qiyaasteeda rasmiga ah ee dhimashada la xiriirta kulaylka, iyadoo ku saleyn doonta diiwaannada dhimashada ee mowjadihii kulaylka ee dhowaan dhacay.

Khubaradu waxay sheegeen in isbeddelka cimiladu uu ka dhigay mowjadaha kulaylka kuwo aad u daran oo soo noqnoqda, isla markaana heerkulka maalintii uu gaari karay ilaa 4C ka sarreeya sidii uu ahaan lahaa haddii aanay jirin kulaylka caalamiga ah.

Digniinaha ayaa imanaya iyadoo Yurub inteeda badan ay horey u soo martay mowjado kulayl oo rikoorro jebiyay, kuwaas oo sababay in kumannaan dhimasho dheeraad ah laga diiwaangeliyo qaaradda.

Get Goobjoog updates

From the comments