Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibedda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa faahfaahin ka bixiyay sababaha keenay inay natiijo la’aan ku soo dhammaadaan wada-hadalladii Soomaaliya iyo Itoobiya ee magaalada Ankara, gaar ahaan wajigii labaad.
Wasiirka ayaa sheegay in Itoobiya ay weli ku dheggantahay damaceedii gurracnaa ee ay ku doonaysay inay qeyb badda Soomaaliya kamid ah sharci darro ku qaadato, Soomaaliyana aysan marnaba oggolaanayn inay gorgortan ka gasho badeeda, taasina ay tahay sababta keentay is mari waaga iyo fashilka wada-hadallada.
Wuxuu intaa ku daray in Itoobiya ay diiday dhammaan sharciyada caalamiga ah ee ay ku wada dhaqmaan dalalka badda leh iyo kuwa xirani, islamarkaana ay ku adkaysatay inay hesho qeyb kamida badda Soomaaliya, wada-hadalkuna uu dhankeeda ka socan waayay.


From the comments