Falcelin xoog leh oo ka dhalatay xildhibaanno ka soo jeeday deegaanada koonfur galbeed ayaa qabsatay baraha bulshada iyo fagaareyaasha dadka Soomaaliyeed ku kulmaan, waxayna dadweynaha intooda badani falkaas ku tilmaameen gef ka dhan qaranimada dalka.
Xildhibaanadan oo ka soo jeeday gobolka Bakool ayaa si taban uga hadlay gardarrada iyo damaca guracan ee Itoobiya ay ku doonayso kala dhantaalidda midnimada Jamhuuriyadda fedaraalka Soomaaliya iyo qaadashada qeyb kamida badda, waxayna muujiyeen dareen ay dalkaas cadowga ah ku taageerayaan.
Mudaneyaashan qaarkood oo tilmaamay inay dowladda Soomaaliya uga aragti duwanyihiin qaabka ay u wajahayso howlgalka cusub ee ATMIS badeli doona ayaa warbaahinta la hadlay xilli xiisadda labada dal ay cirka isku sii shareerayso, waxayna sheegeen in Itoobiya ay dalka Abaalweyn ku leedahay sida ay hadalka u dhigeen, balse maaliyiin dadweyne ah ayaa ka carooday weeraha Itoobiya farxadda u ah ee ay ku hadleen.


From the comments