Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay qorshe cusub oo lagu soo rogi doono canshuur dhan 20% maraakiibta xamuulka ee mara Marin-biyoodka Hormuz, isagoo sheegay in Mareykanku dib u bilaabayo go’doominta maraakiibta Iiraan isla markaana uu noqonayo ilaaliyaha marin-biyoodkaas muhiimka ah.
Trump ayaa sheegay in lacagta laga qaadayo maraakiibta loo adeegsan doono kharashaadka lagu sugayo amniga iyo badqabka maraakiibta isticmaasha marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo ka mid ah shidaalka dunida loo dhoofiyo.
Si kastaba ha ahaatee, khubaro ku takhasustay amniga iyo sharciga caalamiga ah ayaa shaki weyn geliyay suurtagalnimada qorshahan, ayadoo Andreas Krieg oo ah bare sare oo ka tirsan King’s College London uu sheegay in hadalka Trump uu u egyahay bayaan siyaasadeed oo degdeg loo yiri, balse uusan ahayn mid siyaasad si buuxda loo diyaariyey.
Khabiirku wuxuu sheegay in Mareykanku uusan lahayn awood sharciyeed uu canshuur uga qaado maraakiibta caalamiga ah ee isticmaasha Marin-biyoodka Hormuz, maadaama uusan si toos ah u maamulin marin-biyoodkaas.
Sidoo kale, Ururka Caalamiga ah ee Badaha (IMO) ayaa caddeeyay in sharciga caalamiga ahi uusan oggolaanayn in lacag ama canshuur lagu soo rogo maraakiibta si ay uga gudbaan marin-biyood caalami ah.
Madaxweynaha Brazil, Luiz Inácio Lula da Silva, ayaa isaguna qorshaha Trump ku tilmaamay burcad-badeednimo, ayadoo sidoo kale Khubaradu ay ka digeen in haddii qorshahan la hirgeliyo uu sii kordhin karo jahawareerka ay wajahaan shirkadaha maraakiibta, kuwaas oo durba la tacaalaya khataraha ka dhashay xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iiraan.
Qorshahan ayaa imanaya xilli ay mar kale cirka isku shareertay xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran, iyadoo labada dhinac ay isweydaarsadeen weerarro toddobaadyadii la soo dhaafay, taasoo sii kordhisay walaaca laga qabo ammaanka Marin-biyoodka Hormuz oo ah mid ka mid ah marin-biyoodka ugu muhiimsan ganacsiga caalamiga ah.
From the comments