Maxkamad ku taalla magaalada Port Sudan ayaa xukun dil ah ku ridday hoggaamiyaha ciidamada RSF, Maxamed Xamdaan Dagalo (Hemedti), kadib markii lagu helay dambiyo culus oo ay ka mid yihiin dambiyada dagaalka, dambiyada ka dhanka ah bani’aadamnimada iyo xasuuq .
Kiiska ayaa la xiriira tacaddiyo ka dhacay gobolka Galbeedka Daarfuur intii uu socday dagaalka sokeeye ee Suudaan.
Maxkamaddu waxay sidoo kale dil ku xukuntay 15 hoggaamiye oo kale oo ka tirsan RSF, kuwaas oo lagu eedeeyay inay door ku lahaayeen weerarro lagu qaaday shacabka rayidka ah, burburin hantiyeed iyo barakicin baahsan.
Hemedti ayaa la maxkamadeeyay isaga oo maqan, waxaana aan la ogeyn halka uu ku sugan yahay, balse Isbahaysi siyaasadeed oo ay RSF qayb ka tahay ayaa diiday xukunka, halka RSF-na ay marar badan beenisay eedeymaha dambiyada dagaalka.
Dagaalka Suudaan ayaa billowday 15-kii Abriil 2023, kadib khilaaf xooggan oo u dhexeeyay taliyaha ciidanka Suudaan Jeneraal Cabdifataax Al-Burhaan iyo Hemedti.
Kiiska maxkamadda ayaa si gaar ah diiradda u saaray dhacdooyinkii ka dhacay magaalada El-Geneina, oo ay ku jirto dilkii guddoomiyihii Galbeedka Daarfuur Khamis Abakar bishii Juun 2023.
Maxkamaddu waxay sheegtay in hoggaamiyeyaasha RSF ay abaabuleen weerarro lagu bartilmaameedsaday rayidka, iskuullo, goobaha cibaadada iyo xaafadaha dadka deggan.
Garsooraha ayaa sidoo kale amray in la xayiro hantida RSF, isla markaana laga dalbado Interpol inay soo saarto amarro caalami ah oo lagu soo qabto lana soo gacan geliyo dadka la xukumay.
Dhanka caalamka, Mareykanka ayaa hore cunaqabatayn ugu soo rogay Hemedti, halka Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC) iyo Qaramada Midoobay ay wadaan baaritaanno la xiriira tacaddiyada ka dhacay Daarfuur.
Qaramada Midoobay ayaa dhowaan sheegtay in RSF ay mas’uul ka ahayd falal ay ku jiraan xasuuq, dilal wadareed iyo gaajaysiin ula kac ah oo loo geystay shacabka.
Si kastaba ha ahaatee, RSF ayaa sii wada diidmada dhammaan eedeymaha loo jeediyay, iyadoo sidoo kale ciidamada dowladda Suudaan lagu eedeeyay inay geysteen dambiyo dagaal intii uu socday colaadda.
From the comments