Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee 11-aad ayaa maanta si rasmi ah u dhammeystay muddo-xileedkii afarta sano ee loo doortay, arrintaas oo dhalisay doodo siyaasadeed oo dalku uu ku jiro marxalad xasaasi ah.
Baarlamaanka uu waqtigiisu idlaaday, ayaa dhawaan meelmarisay dastuur wax ka beddel lagu sameeyay, kaas oo dhigaya in muddo-xileedka hay’adaha dowladda laga dhigo shan sano, tillaabadaas oo ay si weyn diidmo uga muujiyeen mucaaradka iyo dawlad goboleedyada qaarkood.
Dowladda Federaalka ayaa u muuqata inay sii wadayso qorshaheeda ku aaddan qabashada doorasho qof iyo cod ah, ayadoo dastuurku uu qabo in Baarlamaanku uu shaqada sii wadayo ilaa helo Baarlamaanka kale oo badela.


From the comments