Goobjoog

Musharraxa JSP oo aqbalay go’aanka Guddiga Doorashooyinka Galmudug

Musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee hoggaanka Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, ayaa soo dhaweeyay go’aanka Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ee ku aaddan dib-u-qabashada doorashada Galmudug. Go’aankan…

Musharraxa JSP oo aqbalay go’aanka Guddiga Doorashooyinka Galmudug

Musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee hoggaanka Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, ayaa soo dhaweeyay go’aanka Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ee ku aaddan dib-u-qabashada doorashada Galmudug.

Go’aankan ayaa yimid kaddib markii Maxkamadda Sare ay 24-kii Agoosto 2026 laashay natiijadii doorashooyinkii isku sidkanaa ee Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka Galmudug, iyadoo guddiga doorashooyinkana faray in doorashada dib loogu noqdo.

Musharrax Liibaan ayaa mar kale shacabka Galmudug ugu baaqay inay u diyaar garoobaan doorashada, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in bulshada ay si nabad ah uga qaybqaataan hannaanka doorashada.

JSP ayaa hore Liibaan Axmed Xasan ugu magacaabay musharraxa rasmiga ah ee xisbiga uga tartamaya hoggaanka Galmudug ee muddo-xileedka 2026–2031.

Ka Hel Goobjoog Wixii Cusub

From the comments