Goobjoog

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Aqbalay Go’aanka Maxkamadda Sare ee Doorashada Galmudug

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa si rasmi ah u aqbalay go’aanka Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira natiijada doorashadii isku-sidkanayd ee Golaha Deegaanka…

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Aqbalay Go’aanka Maxkamadda Sare ee Doorashada Galmudug

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa si rasmi ah u aqbalay go’aanka Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira natiijada doorashadii isku-sidkanayd ee Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Galmudug.

Guddiga ayaa sheegay in go’aanka Maxkamadda Sare uu ku saabsanaa dacwaddii ka dhalatay doorashadii ka dhacday Galmudug 30-kii Luulyo 2026.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Guddiga, GMDQS wuxuu aqbalay go’aanka Maxkamadda Sare, isagoo sheegay in uu ku dhaqmi doono natiijada iyo go’aanka kasoo baxay hay’adda garsoorka dalka.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay inuu soo saari doono xilliga la qabanayo doorashada ku-celiska ah ee Dowlad-Goboleedka Galmudug.

Go’aankan ayaa Guddiga Doorashooyinka uu soo saaray 25-kii Agoosto 2026, waxaana uu daba socdaa go’aankii Maxkamadda Sare ee la xiriiray doorashada Galmudug.

Ka Hel Goobjoog Wixii Cusub

From the comments