Soomaaliya ayaa dedaal ugu jirta sidii ay kheyraadkeeda badda u badeli lahayd awood dhaqaale iyo fursado ganacsi oo caalami ah, ayadoo Maamulka Dekedda Muqdisho uu sheegay in la doonayo inay dekeddu fududeyso maalgashiga gaarka loo leeyahay ee dhinaca kalluumeysiga iyo dhoofinta wax-soo-saarka badda.
Agaasimaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko), ayaa gudaha dekedda ku qaabilay shirkadda Marina Seafood iyo markabkeeda Maanya Mooya, oo ku howlan gaadiidka kalluunka Soomaaliya ee loo dhoofinayo suuqyada dibadda.
Agaasimuhu wuxuu soo dhoweeyay shaqada shirkadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee maalgashanaya kalluumeysiga, isagoo sheegay in maamulka dekeddu ay ka go’an tahay fududeynta ganacsiga iyo taageeridda shirkadaha wax dhoofiya.



From the comments