Goobjoog

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Furay Shirweynaha Maalgashiga cuntada iyo Beeraha Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa magaalada Muqdisho ka furay Shirweynaha Maalgashiga cuntada iyo beeraha dalka, kaas oo diiradda lagu saaray horumarinta iyo maalgashiga dhinaca beeraha iyo wax-soo-saarka dalka.

Shirweynahan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa looga hadlayaa sidii loo xoojin lahaa wax-soo-saarka gudaha, loo kordhin lahaa maalgashiga beeraha, isla markaana Soomaaliya ay si wanaagsan uga faa’iidaysan lahayd kheyraadkeeda dabiiciga ah iyo dhul-beereedkeeda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Soomaaliya ay kordhiso wax-soo-saarkeeda gudaha, si loo yareeyo ku tiirsanaanta waxyaabaha dibadda laga keeno.

Waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in la casriyeeyo nidaamka wax-soo-saarka beeraha, lana taageero beeraleyda Soomaaliyeed si ay u helaan fursado iyo qalab casri ah oo kor u qaada wax-soo-saarkooda.

Waxa uu sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in maalgashadayaasha gudaha iyo kuwa dibadda lagu dhiirrigeliyo inay maalgashadaan waaxda beeraha, maadaama Soomaaliya ay leedahay dhul ballaaran iyo fursado badan oo dhinaca wax-soo-saarka beeraha ah.

Shirweynaha waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, ganacsato, maalgashadayaal iyo daneeyayaal kale oo ku howlan horumarinta beeraha.

Beeruhu waxay laf-dhabar u yihiin dhaqaalaha Soomaaliya, maadaama ay si toos ah ugu xiran yihiin sugnaanta cuntada, shaqo-abuurka iyo nolol-maalmeedka bulshada. Soomaaliya ayaa weli si weyn ugu tiirsan waxyaabaha dibadda laga keeno, gaar ahaan raashinka iyo badeecooyinka kale ee gudaha lagu isticmaalo.

Ka Hel Goobjoog Wixii Cusub

From the comments