Wakaaladda Midowga Yurub ee Magangelyada (EUAA) ayaa soosaartay warbixin cilmibaariseed ku saabsan xaaladda bani’aadantinnimo ee dalka Soomaaliya. Warqaddan rasmiga ah oo ciwaankeedu yahay “Somalia: Displacement in Mogadishu” ayaa soo baxday 29 May 2026. Nuxurka warqadda ugu weyn ee laga dhadhansan karo waa u kuurgalidda nolosha dadka danyarta ah. Qodobbada ugu muhiimsan ee ay warbixintu isdultaagtay waxaa ka mid ah: xaaladda guud ee dadka barakacayaasha ah iyo arrimaha cakiran ee barakicinta danyarta deggan dhulalkii dawladda. Sidoo kale, waxaa warbixinta lagu faaqiday duruufaha adag ee ka jira xabsiyada iyo hannaanka qaadashada kaarka aqoonsiga qaranka ee NIRA.
Aragtida Xorta Ah
Warbixinta EUAA: Xaaladda Barakacayaasha, Barakicinta Qasabka ah, Duruufaha Xabsiyada iyo Aqoonsiga Qaranka

Warqaddani waa warbixintii shanaad ee ay wakaaladdu ka soo saarto arrimaha Soomaaliya. Guud ahaan, soosaarista warbixinnada caalamiga ah kuma xirna muddo go’an, waxayse soo baxaan marka uu dalka ka jiro isbeddello waaweyn oo u baahan in indhaha caalamka lagu soojeediyo. Afartii warbixin ee hore ee ay wakaaladdu soo saartay, waxay si gaar ah u falanqaynayeen arrimaha amniga, siyaasadda, iyo dhibaatooyinka guud ee bulshada. Maqaalkan ayaa iskudayayaa inuu sookoobid guud ku sameeyo warqaddan 72da bog ah, isaga oo u qeybinaya afarta cutub ee ee ugu muhiimsan ee warbixintan lagu soo ururiyay.
Xaaladda Barakacayaasha Gudaha Dalka
Warbixintu waxay si guud u qeexaysaa in magaalada Muqdisho ay hadda hoy u tahay in ka badan 1.2 milyan oo barakacayaal ah, kuwaas oo la dhibaataysan duruufaha nololeed ee caasimadda ka jira. Dukumentiga waxaa lagu xusay in qoysaskan badankoodu ay ka soo qaxeen gobollada Shabeellada Hoose, Bay, Bakool, iyo Shabeellada Dhexe. Marka la eego sababaha rasmiga ah ee dadkan guryahooda ka soo saaray, cilmibaaristu waxay farta ku fiiqaysaa dhowr arrimood oo isbiirsaday oo ay u horreeyaan abaaro dabo dheeraaday, fatahaado baabi’iyay beerihii iyo xoolihii ay ku tiirsanaayeen, iyo dagaalka joogtada ah ee u dhexeeya ciidamada dawladda iyo kooxda argaggaxisada al-Shabaab.
Markii hoos loogu daadego dadka ku nool kaamamka, warbixintu waxay tilmaantay in dadka barakacayaasha ah ee halkaas ku tabaalaysan ay u badan yihiin Digil iyo Mirifle, beelaha laga tirada badan yahay ee loo yaqaan Beesha Shanaad, iyo beesha Jareerweyne. Xogta la helay waxay muujinaysaa in isirka ama qabiilka ay dadkani ka dhasheen uu mararka qaar caqabad weyn ku noqdo noloshooda, gaar ahaan marka la qeybinayo gargaarka bani’aadannimo ama adeegyada bulshada ee caasimadda soo gala, taas oo keenta in si gooni ah loo faquuqo.
Arrin kale oo muhiim ah oo lagu sheegay warqadda ayaa ah maamulka hoose ee xeryaha, iyadoo la xusay in kaamamka ku yaalla magaalada ay gacanta ku hayaan dad dillaaliin ah oo maxalli ah oo warqaddu ugu yeertay Gatekeepers, dadka barakacayaashana ay u yaqaannaan Macawisleey. Shakhsiyaadkani ma ahan ciidanka degaanka ee halganka iyo ladagaallanka argaggixisada u taagan, balse waa dad u shaqaysta qaab dillaalnimo ah, iyaga oo u dhexeeya hay’adaha gargaarka bixiya iyo qoysaska tabaalaysan ee xeryaha ku jira. Warbixintu waxay daaha ka qaadday in dallaaliintaas ay inta badan lacago cayiman ama qeyb ka mid ah raashinka iyo agabka gargaarka ka qaataan dadka masaakiinta ah, iyagoo, sidoo kale, leh awoodda kamadanbaysta ah ee lagu go’aamiyo cidda xerada ku noolaan karta, cidda laga saarayo iyo cidda wax qaadanayso ama la qadinayo.
Ugu danbayntii, warbixintu waxay sawir ka bixinaysaa xaaladda adag ee caafimaad iyo degaan ee xeryaha ka jirta, iyadoo lagu xusay in dadka halkaas deggen ay gabbaad ka dhigtaan cooshado aad u liita oo laga dhisay dhar duug ah, baco dhammaaday, iyo kartoonno. Xeryahan waxaa ka jira biyayari ba’an iyo adeegla’aan baahsan oo dhanka caafimaadka ah, iyadoo boqollaal qof ay ku qasban yihiin inay wadaagaan hal musqul oo kaliya. Caqabadda ugu weyn waxay saamaysaa haweenka iyo carruurta, kuwaas oo halis ugu jira inay la kulmaan xadgudubyo baahsan marka ay u baxayaan raadinta biyaha iyo xaabada.
Barakicinta Qasabka ah iyo Arrimaha Dhulka
Marka loo gudbo arrimaha la xiriira barakicinta qasabka ah, warbixintu waxay tilmaantay in dhibaatadan ay inta badan ka dhalato marka dhulka gaarka loo leeyahay ay yeeshaan qiimo aad u sarreeya, taas oo ku qasabta milkiilayaasha inay hantidooda dib ula soo laabtaan, si ay u dhistaan ama u iibsadaan. Dhanka kale, warbixintu waxay xusaysaa in dawladda qudheedu ay mararka qaar rarid ku samayso qoysaska deggan dhismayaashii dawladda, iyadoo ujeedku yahay in dibudhis lagu sameeyo xafiisyada rasmiga ah ee dawladda dhexe. Isbeddelladii ugu danbeeyay ee dhacay iyo guud ahaan hannaanka loo fuliyo raristan waxay muujinayaan in dhibaatadu ay si toos ah u saamayso nolosha dadka shacabka ah ee awalba nuglaa.
Warqaddu waxay hoosta ka xarriiqaysaa in barakicintani aysan inta badan raacin nidaam sharciyeed oo qoran, iyadoo ay yar tahay in dadka la rari karo la siiyo digniino ku filan ama magdhow ama lacag ay ku guuraan. Marka hawlgallada noocan ah ay ka dhacaan Muqdisho, waxaa badanaa la burburiyaa oo cagafta la la dul mariyaa wixii hanti ah oo ay qoysaskaasi haysteen, taas oo ku qasabta inay mar kale u qaxaan darafyada magaalada, gaar ahaan aagga jidka Ceelasha Biyaha iyo degaannada ku xeeran. Cilmibaaristu waxay caddaysay in falalkani ay gebi ahaanba burburiyaan qaabnololeedkii ay dadku markii hore degaankaas ka dhex abuurteen.
Ugu danbayntii, cilmibaaristu waxay farta ku fiiqaysaa dadka ugu badan ee ay saamaynta ba’an ku yeelato barakicinta qasabka ah, kuwaas oo u sii nugul dhibaatada maadaama aysan haysan awood dhanka qabiilka ama dhaqaalaha ah oo ay isku difaacaan. Dadka barakacayaasha ah iyo bulshada laga tirada badan yahay ma laha awood ay ku qabsadaan looyaro u dooda xuquuqdooda, ama ay ku hor istaagaan go’aannada dhulka looga saarayo. Sidaas darteed, warbixintu waxay gabagabadii cutubkan ku muujisay in dadkaas danyarta ah ay yihiin dhibbanayaasha kowaad ee hannaanka barakicinta qasabka ah ee ka socda caasimadda Muqdisho.
Xaaladda Xabsiyada iyo Hannaanka Garsoorka
Warbixintu waxay si mug leh uga hadashay xabsiyada rasmiga ah ee dadka lagu xiro, iyadoo si gaar ah u xustay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho iyo dhismaha cusub ee Xabsiga iyo Maxkamadda Muqdisho. Waxaa, sidoo kale, warbixinta lagu xusay xarumaha ay gacanta ku hayso Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, halkaas oo lagu hayo eedaysanayaasha la xiriira arrimaha argaggixisada. Cilmibaaristu waxay tilmaantay in maamulka xabsiyadan rasmiga ah ay mas’uul ka tahay Ciidanka Asluubta, hoosna yimaadaan Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, laakiin weli ay ka jiraan caqabado dhanka maamulka iyo xiriirka wadashaqayneed ah.
Warbixintu waxay daaha ka qaadday sawirka guud ee maxaabiista xiran, iyadoo tilmaantay inta badan dadka xabsiyada ku jira inay yihiin dhallinyaro danyar ah, kuwaas oo u badan barakacayaasha ka yimid gobollada iyo dad ka dhashay beelaha la haybsooco. Maxaabiistan ayaan inta badan haysan ehel awood leh oo miisaan siyaasadeed leh ama saamayn dhaqaale, taas oo keenta in ay muddo dheer xirnaadaan kadib marka ay waayaan cid dammaanad uga soo qaada xafiisyada amniga ama bixisa lacagaha ganaaxa ah ee maxkamaddu ku xukunto.
Ugu danbayntii, warbixintu waxay bixinaysaa tafaasiil hoose oo ku saabsan nolosha dhabta ah ee ka dhex jirta xabsiyada Muqdisho. Waxaa si cad loogu xusay in xabsiyada ay ka jiraan culays xad-dhaaf ah, daryeel-xumo dhanka caafimaadka ah, tayo-xumo dhanka cuntada ah iyo biya yari ba’an. Waxaa jira walaac weyn oo laga muujiyay habka loola dhaqmo maxaabiista, maadaama mararka qaar aan loo kala soocin dadka waaweyn iyo dhalinyarada yar-yar, ama dadka u xiran dambiyada fudud iyo kuwa loo haysto dambiyada culus. Sidaas darteed, warbixintu waxay gabagabadii cutubkan ku muujisay in hannaanka garsoorka iyo ilaalinta xuquuqda aadamaha ee maxaabiista ay wajahayaan caqabado dhowr ah oo u baahan dib-u-eegis iyo wax ka qabasho dhab ah.
Diiwangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka NIRA
Warbixintu waxay si faahfaahsan uga hadashay hannaanka ay Hay’adda Diiwangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha ee NIRA u bixiso kaararka aqoonsiga qaranka. Dukumentiga waxaa lagu xusay in helitaanka aqoonsigan rasmiga ah uu hadda fure u yahay adeegyo badan oo bulshada lagamamaarmaan u ah, sida furashada xisaabaadka bangiyada, qaadashada baasaboorka, iyo helitaanka kaararka taleefannada. Marka la eego qaabka loo bixiyo, cilmibaaristu waxay farta ku fiiqaysaa in shuruudaha adag ee lagu qaato, sida in qofku keeno damiin ama odaydhaqameed oo la aqoonsan yahay ay dhalisay dib-u-dhac iyo culays dhanka maamulka ah.
Warqaddu waxay hoosta ka xariiqaysaa in dadka barakacayaasha ah iyo bulshada danyarta ah ay yihiin kuwa ugu dhibaatada badan marka ay noqoto inay raadsadaan kaarka aqoonsiga qaranka. Maadaama dadkani ay ka soo qaxeen gobollada, badankooduna ay haysan dukumentiyadii hore ama ay adag tahay inay magaalada dhexdeeda ka helaan odaya-dhaqameed beelahooda ah oo u saxiixa dammaanadda, waxay inta badan ku qasban yihiin inay iska dhiibaan lacago dheeraad ah oo aysan awoodin. Warbixintu waxay caddaysay in khidmadaha rasmiga ah iyo kuwa dadban ee ku baxa qaadashada kaarka ay caqabad weyn ku yihiin bulshada ku tabaalaysan xeryaha, taas oo keenaysa in laga rebo hannaanka diiwangelinta rasmiga ah ee dalka.
Gunaanad
Gabagabadii, warbixintu waxay guud ahaan sawir dhammaystiran ka bixinaysaa xaaladda cakiran ee ay caasimaddu ku sugan tahay. Muddadii ay cilmibaaristu socotay, waxaa muuqatay in arrimaha barakaca, duruufaha xabsiyada, iyo helitaanka kaarka aqoonsiga qaranka ay yihiin dhibaatooyin isku xiran oo saamayn ku leh amniga iyo xuquuqda aadamaha. Warbixintu waxay gabagabadii hoosta ka xarriiqday in badbaadada iyo mustaqbalka dadka danyarta ah ay ku xiran yihiin helitaanka garsoor hufan, badbaado sharci, iyo fududaynta adeegyada bulshada ee ay bixiyaan hay’adaha dawladda. Sidaas darteed, baaqan kooban wuxuu dhiirrigelinayaa in si wadajir ah loogu istaago wax-ka-qabashada caqabadahaas jira, si loo xaqiijiyo xasillooni waarta iyo sinnaan bulsho oo ka dhalata caasimadda dalka ee Muqdisho.

From the comments