Goobjoog

Aragtida Xorta Ah

Qiimayn: Muxuu Yahay Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka, Maxaase u Qabsoomay Muddadii Sannadka Ahayd ee uu Jiray?

Qiimayn: Muxuu Yahay Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka, Maxaase u Qabsoomay Muddadii Sannadka Ahayd ee uu Jiray?

10kii Luulyo 2025, Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ansixiyay Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka oo ka kooban 15 xubnood. Guddoomiyaha guddiga waxaa loo magacaabay Dr. Cabdinuur Sheekh Maxamed, oo hore u soo noqday Wasiirka Waxbarashada ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Muddo sannad ah ka dib, Golaha Wasiirrada ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Guddiga, Dr. Cabdinuur Sheekh Maxamed, iyaga oo xilkaas u magacaabay Dr. Maxamuud Axmed Jimcaale.

Haddaba, muxuu yahay Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranku, maxayse yihiin waajibaadkiisa? Maxaase dhab ahaan u qabsoomay muddadii sannadka ahayd ee uu jiray?

Waa Maxay Guddiga Tacliinta Sare?

Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranku waa hay’ad qaabilsan horumarinta, ilaalinta iyo hubinta tayada hay’adaha tacliinta sare, gaar ahaan jaamacadaha dalka.

Shaqooyinka ugu muhiimsan ee guddiga waxaa ka mid ah:

  1. Dejinta qorshayaasha horumarinta tacliinta sare;
  2. Hubinta hirgelinta qorshayaasha iyo halbeegyada la dejiyay;
  3. Qiimaynta tayada iyo kalasarraynta hay’adaha tacliinta sare ee dalka.
  1. Dejinta Qorshaha Horumarinta

Manhajka

Manhajku waa udubdhexaadka hannaanka waxbarashada. Shaqada ugu horraysa ee Guddigu waa inuu hubiyo tayada iyo habboonaanta manhajyada ay jaamacaduhu dhigaan, kana saaro wax kasta oo ka hor imanaya diinta Islaamka, dhaqanka Soomaaliyeed iyo danaha guud ee bulshada.

Inkasta oo jaamacaduhu madaxbannaani u leeyihiin barnaamijyada iyo koorsooyinka ay bixiyaan, haddana guddiga waxaa saaran masuuliyadda hubinta in koorso kasta ay jaamacaddu bixiso uu dhammaystiran yahay, isla markaasna ay diyaar yihiin agabka, qalabka iyo goobaha lagama maarmaanka u ah barashadiisa.

Tusaale ahaan, koorsooyinka ku dhisan tijaabooyinka sayniska, caafimaadka, injineernimada ama tiknoolajiyadda waa in aan la oggolaan haddii jaamacaddu aysan lahayn shaybaarrada iyo qalabka looga baahan yahay. Guddigu waa inuu soo saaraa go’aan cad oo dhigaya in jaamacad kasta oo bixinaysa koorso u baahan shaybaar ay waajib ku tahay inay keento shaybaarkaasi ama ay joojiso koorsadaas.

Tani waxay lagamamaarmaan u tahay in ardayda Soomaaliyeed ay helaan waxbarasho tayo leh oo ku dhisan aqoon, tababar iyo waaya-aragnimo dhab ah.

Macallimiinta

Macallinku waa tiirka labaad ee waxbarashada, waana qofka gudbiya manhajka, kobciya aqoonta ardayga, isla markaasna hagaya geeddisocodkiisa waxbarasho.

Guddiga waxaa laga doonayaa inuu dejiyo halbeegyo cad oo lagu aqoonsanayo hay’ad tacliin sare. Halbeegyadaasi waa inay qeexaan tirada macallimiinta joogtada ah ee jaamacaddu yeelanayso, heerarkooda aqooneed, khibraddooda iyo takhasusyadooda.

Waa in si cad loo qeexaa inta macallin ee haysata shahaadada heerka labaad ee mastarka, inta haysata shahaadada sare ee PhD-da iyo inta gaartay darajada barafasoornimo ee ay jaamacad kastaa u baahan tahay. Sidoo kale, macallinka joogtada ah waa in darajadiisa aqooneed iyo shaqadiisa rasmiga ah loogu xisaabiyaa hal jaamacad oo keliya, si looga hortago in hal macallin magaciisa lagu diiwaangeliyo jaamacado badan isaga oo aan si dhab ah uga hawlgelin.

Goobta Waxbarashada

Marka laga yimaado manhajka iyo macallinka, goobta waxbarashadu waxay door weyn ku leedahay tayada tacliinta sare.

Goobta jaamacaddu waa inay ahaataa meel ammaan ah, deggan oo aan lahayn saxmad iyo buuq carqaladaynaya waxbarashada. Waa inay leedahay maktabad, masjid, goobo ay ardaydu ku nastaan iyo fasallo joogto ah oo loogu talagalay kulliyadaha iyo qaybaha kala duwan.

Ma habboona in fasallada jaamacadda loo isticmaalo qaab la mid ah garoomada kubbadda cagta oo kale, iyadoo koox arday ahi ka baxdo, koox kalena isla markiiba soo gasho, iyada oo aysan jirin fasallo ay gaar u leeyihiin.

Goobta waxbarashadu waa inay, sidoo kale, u fududahay ardayda qaba baahiyaha gaarka ah, gaar ahaan kuwa isticmaala kuraasta curyaamiinta. Waa inay jiraan jaranjarooyin ama marinno gaar ah, musqulo ku habboon iyo adeegyo kale oo u saamaxaya inay si madaxbannaan wax u bartaan.

Waxaa intaas dheer in jaamacad kasta ay yeelato goob caafimaad oo lagu bixiyo gargaarka degdegga ah, si wax looga qabto xaaladaha caafimaad ee kediska ah ee ku dhici kara ardayda, macallimiinta ama shaqaalaha.

2. Hubinta Hirgelinta Qorshaha Horumarinta

Guddigu keliya ma aha hay’ad dejisa qorshayaal iyo halbeegyo, wuxuuse, sidoo kale, awood iyo masuuliyad u leeyahay hubinta hirgelintooda.

Jaamacad kasta oo aan buuxin shuruudaha la xiriira manhajka, macallimiinta, shaybaarrada, maktabadaha iyo goobta ku habboon waxbarashada waa in laga qaadaa tallaabo waafaqsan sharciga.

Guddigu wuxuu jaamacadda siin karaa digniin iyo muddo cayiman oo ay ku saxdo khaladaadka jira. Haddii jaamacaddu ku guuldarraysato inay fuliso waajibaadkaas, waa in laga qaadaa tallaabooyin adag oo gaari kara hakinta koorsooyinka qaarkood, joojinta qaadashada arday cusub ama kala noqoshada aqoonsiga.

Laxisaabtanku wuxuu muhiim u yahay xaqiijinta in qorshayaasha la dejiyo aysan noqonin waraaqo iyo hadallo oo keliya, balse ay isu beddelaan isbeddel muuqda oo kor u qaada tayada waxbarashada.

3. Qiimaynta iyo Kalasarraynta Jaamacadaha Dalka

Marka la dejiyo halbeegyo cad, lana hubiyo hirgelintooda, guddigu wuxuu awood u yeelanayaa inuu qiimeeyo tayada jaamacadaha dalka.

Qiimayntani waa inay ku salaysnaataa tayada manhajka, aqoonta iyo khibradda macallimiinta, cilmibaarista, shaybaarrada, maktabadaha, goobta waxbarashada, adeegyada ardayda iyo sida ay jaamacaddu u ilaaliso halbeegyada tacliinta sare.

Marka la eego sida jaamacad kastaa uga soo baxdo shuruudahaas, waxaa suuragal noqonaysa in la ogaado jaamacadda sida ugu wanaagsan u buuxisay halbeegyada, tan ku xigta iyo kuwa ugu hooseeya.

Sidaas ayaa lagu heli karaa kala sarrayn jaamacadeed oo caddaalad, hufnaan iyo xog sugan ku dhisan, taas oo ardayda iyo waalidiinta ka caawinaysa inay doortaan hay’ad waxbarasho oo tayo leh.

Maxaa u Qabsoomay Guddiga Muddadii Sannadka Ahayd ee uu Jiray?

Si loo ogaado waxa guddiga u qabsoomay, waxaa habboon in dib loogu noqdo saddexda waajib ee kor ku xusan: dejinta qorshaha horumarinta, hubinta hirgelintiisa iyo qiimaynta jaamacadaha dalka, annagoo isweydiinayna:

  • Muddo sannad ah ka dib, weli ma jiraan jaamacado dhigaya maaddooyin u baahan shaybaarro, balse aan haysan shaybaarradaas? Jawaabtu waa haa.

  • Weli ma jiraan jaamacado bixiya culuunta beeraha, balse aan lahayn dhulbeereed ay ardaydu ku qaataan tababarro iyo tijaabooyin wax-ku-ool ah? Mar kale jawaabtu waa haa.

  • Weli ma jiraan jaamacado ku yaalla goobo aan waxbarasho ku habboonayn, ama deggan guryo kiro ah oo ku yaalla hareeraha waddooyinka mashquulka badan? Ma jiraan dhismayaal aysan geli karin ardayda adeegsada kuraasta curyaamiinta? Ma jiraan jaamacado aan lahayn xarumo caafimaad, taas oo sababaysa in ardayga ay xaalad degdeg ahi ku timaaddo mooto bajaaj lagu qaado?

  • Sidoo kale, weli ma jiraan fasallo ay koox arday ahi wax ku barato, marka xiisaddu dhammaatana laga saaro si koox kale ay u gasho, iyada oo aysan kulliyadaha iyo ardaydu lahayn fasallo joogto ah oo iyaga u gaar ah?

Dhibaatooyinkaas haddii ay weli jiraan, waxaa isweyddiin mudan: Guddigu ma dejiyay qorshe horumarineed oo cad? Haddii uu dejiyay, jaamacaduhu ma hirgeliyeen? Haddii aysan hirgelin, muxuu guddigu ula xisaabtami waayay, ugana qaadi waayay tallaabooyin muuqda oo waafaqsan sharciga?

Sidoo kale, Guddigu muddadii uu jiray ma samayn qiimayn guud oo lagu cabbirayo tayada iyo kalasarraynta jaamacadaha dalka. Haddii aan la helin qiimayn dhab ah, kormeer joogto ah iyo islaxisaabtan muuqda, ma jiri karaan hannaan iyo habraac kalasarrayn jaamacadeed oo lagu kalsoonaan karo.

Gunaanad

Haddii uu jiro Guddi Tacliin Sare oo leh awood, sharci iyo masuuliyad cad, sax ma aha in tayada waxbarashada dalku gaarto heerka liita ee maanta laga cabanayo. Waxaa Guddiga waajib ku ah inuu dejiyo qorshayaal iyo halbeegyo cad, kormeer ku sameeyo hirgelintooda, isla markaasna jaamacadaha kula xisaabtamo wixii ka dhiman. Jaamacad kasta oo aan buuxin shuruudaha waa in la siiyaa muddo ay isku saxdo, haddii ay ku guuldarraysatana laga qaadaa tallaabo waafaqsan sharciga.

Haddii Guddigu gudan waayo waajibaadkiisa, sidoo kalana uu wax ka qaban waayo dhibaatooyinka muuqda ee haysta tacliinta sare, markaas Guddiga laftiisa ayaa u baahan in dib loo eego. Tayada tacliinta sare kuma horumarto magacuyaal, magacaabis iyo xil-ka-qaadis oo keliya; waxay u baahan tahay qorshe cad, kormeer joogto ah, go’aanno adag iyo laxisaabtan dhab ah.

Get Goobjoog updates

From the comments