8da Juun sannad kasta dunidu waxay u dabbaaldegtaa Maalinta Badaha Adduunka (World Ocean Day), oo ah maalin caalami ah oo lagu xusuusto qiimaha weyn ee baduhu u leeyihiin nolosha aadanaha iyo degaanka dunida. Baduhu keliya kuma koobna in ay yihiin marin ay isaga gooshaan maraakiibta iyo doonyuhu; waase il dhaqaale oo si joogto ah looga helo khayraad badan oo jaadad kala duwan leh. Waa lafdhabarta nolosha aadanaha. Waxay baduhu soosaaraan qeyb weyn oo oksijiinta aan qaadanno ah; uumibaxooda roobabka ayaa ka dhasha, taasoo gacan ka geysata isu dheellitirnaanta cimilada.
Aragtida Maalinta Badaha Adduunka markii ugu horraysay waxaa lagu soo bandhigay Shirkii Qaramada Midoobay ee Degaanka iyo Horumarka ee lagu qabtay magaalada Rio de Janeiro ee dalka Brazil sannadkii 1992. Ujeeddadu waxay ahayd in bulshada caalamka lagu baraarujiyo muhiimadda badaha iyo khataraha ku soo wajahan. Ugu danbayn, sannadkii 2008 ayay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay si rasmi ah ugu asteeyeen 8da Juun inay noqoto Maalinta Badaha Adduunka, waxaana xuska rasmiga ah la bilaabay 2009kii.
Maalintan waxay dunidu ku mideysan tahay hal fariin oo cad: in badaha la ilaaliyo, laga hortago wasakheynta, lana xaqiijiyo in jiilasha mustaqbalka ay ka faa’iidaystaan khayraadka badda sida ay maanta uga faa’iidaystaan dadka nool.
Muhiimadda Badaha ee Nolosha Aadanaha
Baduhu waxay daboolaan in ka badan 70% oogada dhulka, waxaana lagu qiyaasaa inay soo saaraan in ka badan kala bar oksijiinta dunida. Sidoo kale waxay nuugaan qeyb weyn oo ka mid ah kaarboonka hawada ku sii badanaya, taasoo kaalin weyn ka qaadata yaraynta isbeddelka cimilada.
Malaayiin qof oo dunida ku nool ayaa nolol maalmeedkooda ku tiirsan tahay khayraadka badda. Kalluumeysiga, gaadiidka badda, tamarta, dalxiiska iyo warshadaha la xiriira baduhu waxay ka mid yihiin ilaha ugu waaweyn ee dhaqaalaha caalamka.
Si kastaba ha ahaatee, badaha adduunka waxaa maanta halis ku haya wasakheyn sii kordhaysa, kalluumeysi xaddhaaf ah, qashin caag ah, shidaal ku daata xeebaha iyo isbeddelka cimilada. Khatarahan ayaa keenay in dalal badan iyo hay’ado caalami ahi xoogga saaraan ilaalinta badaha.
Soomaaliya iyo Khayraadka Baddeeda
Marka laga hadlayo badaha, Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka ugu nasiibka badan dunida. Waxay leedahay xeebta ugu dheer qaaradda Afrika, oo dhererkeedu gaarayo ka badan ,300 km, kuna fidsan Badweynta Hindiya iyo Gacanka Berbera.
Xeebahan dheer waxay hoy u yihiin khayraad dabiici ah oo aad u badan, gaar ahaan kalluunka, macdanta badda, tamarta iyo fursadaha ganacsi ee la xiriira gaadiidka badda. Intaas waxaa dheer, Soomaaliya waxay ku taallaa goob istiraatiiji ah oo ay maraan qaar ka mid ah marinbiyoodka ugu mashquulka badan dunida.
Hasayeeshee, inkastoo khayraadkaasi aad u badan yahay, faa’iidada ay shacabka Soomaaliyeed ka helaan weli waa mid kooban. Sababaha ugu waaweyn waxaa ka mid ah awood la’aanta ilaalinta xeebaha, kalluumaysi sharcidarro ah, maamulxumo, wasakhow iyo maalgelin-la’aan.
Waxaa marar badan xeebaha Soomaaliya ka hawlgalay maraakiib shisheeye oo kalluumaysi sharcidarro ah ka sameeyay, kuwaas oo jillaabta kalluun aad uga badan xaddigii loo oggolaaday ama mararka qaar aan wax ruqsad ah u haysan. Arrintani waxay dhaawac ku tahay dhaqaalaha dalka iyo nolosha kalluumaysatada Soomaaliyeed.
Khatarta Wasakhaynta Badaha Soomaaliya
Sida dalal badan oo dunida ah, Soomaaliya sidoo kale waxaa soo wajahaya khatarta wasakheynta badda. Magaalooyinka xeebaha leh waxaa mararka qaar laga arkaa qashin lagu daadinayo badda ama xeebaha ku dhow.
Qashinka caagga ah ayaa ka mid ah khataraha ugu waaweyn. Marka uu badda gaaro wuxuu waxyeelleeyaa kalluunka, noolayaasha quuta badda, shimbiraha iyo cid kasta oo ku tiirsan khayraadka badda. Ugu danbayn, walxahaas ayaa dib ugu soo laabta fayaqabka cuntada ee aadanaha.
Waxaa, sidoo kale, jira cabashooyin la xiriira qashin warshadeed iyo walxo sun ah oo lagu daadiyo xeebaha Soomaaliya. Haddii aan si degdeg ah loo xakamayn, arrimahan waxay halis gelin karaan caafimaadka bulshada iyo jiritaanka khayraadka badda.
Dibudhiska Ciidanka Badda iyo Ilaalinta Badaha Soomaaliyeed
Ka dib dadaalladii dib loogu dhisay ciidamada dhulka iyo cirka, Soomaaliya waxay si isa soo taraysa u xoojinaysay dibudhiska Ciidanka Badda Soomaaliyeed. Tani waa tallaabo muhiim ah, maadaama dal leh xeebta ugu dheer Afrika uusan awood u yeelan karin ilaalinta khayraadkiisa baddeed iyadoo aan jirin ciidan badeed awood leh.
Sidaas darteed, Ciidanka Badda Soomaaliyeed waxaa horyaalla masuuliyado badan oo muhiim u ah amniga iyo horumarka dalka. Waxaana ka mid ah:
1. Ilaalinta Khayraadka Buluugga ah
Ciidanka badda ayaa door muhiim ah ka ciyaari kara ladagaallanka jilaabashada sharcidarrada ah. Iyagoo adeegsanaya maraakiib kormeer, tiknoolajiyad casri ah iyo iskaashi caalami ah, waxay awood u yeelan karaan inay ilaaliyaan khayraadka badda ee Soomaaliyeed.
2. Ka Hortagga Wasakhaynta Badaha Dalka
Ciidanka badda waxay ka qeyb qaadan karaan dabagalka maraakiibta ku xadgudbaya sharciyada degaanka, gaar ahaan kuwa qashinka ama walxaha sunta ah ku daadinaya badda Soomaaliya.
3. Sugidda Amniga Xeebaha
Soomaaliya waxay ku taallaa meel istiraatiiji ah oo u dhow marinbiyoodka Baabul Mandab, kaas oo muhiim u ah ganacsiga caalamka. Sidaas darteed, ciidamada badda waxay door weyn ku leeyihiin sugidda amniga maraakiibta iyo ilaalinta madaxbannaanida dalka.
4. Dabargoynta Burcadbadeedda
Inkasta oo burcadbadeednimadu hoos u dhacday sannadihii danbe, haddana weli waa caqabad u baahan feejignaan joogto ah. Ciidanka badda oo awood leh waxay yareyn karaan khatartaas, waxayna sare u qaadi karaan sumcadda Soomaaliya ee caalamka.
Maxaa Looga Baahan Yahay Bulshada Soomaaliyeed?
Ilaalinta badda masuuliyaddeedu kuma koobna dawladda ama ciidamada oo keliya. Bulshada Soomaaliyeed oo dhan ayaa leh door muhiim ah. Qof kasta waa inuu ka fogaadaa qashinka lagu daadiyo xeebaha iyo meelaha biyuhu kaga darsamaan kuwa badda. Kalluumaysatadu waa inay dhowraan xeerarka kalluumaysiga ee la oggolyahay, ganacsataduna waa inay taageeraan dhaqamada ilaalinaya degaanka.
Dugsiyada, jaamacadaha, warbaahinta iyo culimada ayaa iyaguna door weyn ka qaadan kara kor u qaadista wacyiga ku saabsan muhiimadda badaha iyo ilaalintooda.
Gunaanad
Maalinta Badaha Adduunka ee 8da Juun waa xusuusin caalami ah oo muujinaysa in baduhu yihiin lafdhabarta nolosha iyo horumarka aadanaha. Soomaaliya oo leh xeebta ugu dheer Afrika waxay haysataa fursad taariikhi ah oo ay ku noqon karto quwad badeed: dhaqaale ahaan iyo amni ahaanba.
Si taas loo gaaro waxaa lagamamaarmaan ah in la ilaaliyo bedqabka degaanka badda, la xakameeyo kalluumaysiga sharcidarrada ah, la yareeyo wasakhaynta biyaha badda, lana xoojiyo Ciidanka Badda Soomaaliyeed. Haddii la isku daro habmaamul wanaagsan, wacyigelin bulsho iyo awood ciidan oo ilaalisa badaha, Soomaaliya waxay khayraadkeeda badeed ka dhigi kartaa mid horseed u noqda koboca dhaqaalaha iyo madaxbannaanida qaranka.
From the comments